Home / Habka-Nolosha / Ey hadal heyn ka dhex abuuray baraha bulshada

Ey hadal heyn ka dhex abuuray baraha bulshada

Himilo – Dadka ku nool Istanbul waxay dhawaanahan isha ku hayaan noole caan ka dhex noqday bulshadaas.Waa ey ku nool waddooyinka, oo lagu magacaabo Boji, kaas oo jecel inuu ku safro gaadiidka.wuxuu raacaa basaska, tareenada dhulka hoostiisa mara iyo doomaha.

Qofna ma oga sida uu u bartay nidaamka ku safarka gaadiidka dadweynaha. Laakiin darawal kaxeeya mid ka mid ah basaska korontada ku shaqeeya ayaa sheegay in ay yaqaaniin Boji, sidoo kalena in asluubtiisa iyo akhlaaqdiisa marka uu fuulayo ama uu ka  degayo baabuurka ay tahay inuu tusaale u noqdo dhammaan rakaabka aadanaha ah.

Boji waxa uu si joogto ah u kasbaday quluubta dadka deggan Istanbul, isaga oo sidoo kale dad badan ay la yaaban yihiin sida uu ula qabsaday caadada gaadiid ku safridda.

Aylin Erol, oo u shaqeysa Metro Istanbul, ayaa sheegtay kaddib markii ay arkeen sawirada Eyga oo lagu faafiyay baraha bulshada, ay go’aansadeen inay la socdaan dhaqdhaqaaqiisa saxda ah.

Magaalada Istanbul oo labadeeda goonyood ku kala taala xeebaha Yurub iyo Aasiya, ayaa waxay leedahay nidaam gaadiidka doomaha oo aad u dhib badan, balse waa arrin u sahlan Boji in uu ku goosho.

Waxaa lagu arkay badda isagoo safar ku tagaya jasiiradaha Prince ee ku taala badda Marmara, taas oo duleedka ka ah xeebta Istanbul.

“Wuxuu garanayaa meesha uu aadayo, wuu yaqaan meesha laga baxo,” ayay tiri Aylin Erol oo ah sarkaalad gaadiidka.”Waxay la mid tahay inuu ujeedo leeyahay.”

Boji waa ereyga Turkiga ee (Booje) “bogie”, waa qalab qaab dhismeedkiisa la geliyo taayirooyinka baabuurta si gaadhiga loo siiyo xasillooni dheeraad ah inta lagu jiro safarka.

Sida muuqata, waa sida uu magaciisa ku helay, shaqaalaha gaadiidku waxay bilaabeen inay ugu yeedhaan Boji, ka dib markii si joogto ah loogu arkay meel ka sarraysa qaybta bogie ee baabuurta.

Maadaama uu noqday weji la yaqaan, Boji hadda waxaa soo dhaweeya rakaab badan oo si tartiib ah u salaama, ama sawir selfie ah la gala.

Xayawaankan ka duwan kuwa kale ayaa ah arrin hadalhayn leh ku noqday dadka deggan Istanbul.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. a Peptide length does not affect docking performance successful models are generated for long as well as short peptides See Supplementary Fig purchase cialis online cheap Conclusion Ninj1 regulates the EC PC interactions and does not reduces mere EC tubing formation, but adversely accelerates the maturation of microvessels, which may induce effective perfusion recovery in the ischemic tissues

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan