Home / Macluumaad / Ey saddex sano ah sugayay milkiilihiiisa aan soo noqon doonin!

Ey saddex sano ah sugayay milkiilihiiisa aan soo noqon doonin!

Muqdisho – Ey yar ayaa dhalaaliyay qalbiyada malaayiin qof oo Kuuriyaan ah kadib markii warbaahintu kusoo warantay inuu muddo saddex sano ah sugayay milkiilihiisa maqan – ogaal la’aan inuusan soo laaban doonin.

Dhowr sano kahor, haweeney da’ ah oo ku nool Busan, dalka Koofur Kuuriya ayaa rabaysatay Eygan da’da yar waxayna u bixisay Fu Shi. Labaduba waxay ku wada noolaayeen si farxad leh, hayeeshe musiibo ayaa dhacday saddex sano kahor.

Haweeneyda waxaa asiibay xanuunka maskaxda ku dhaca. Waxaana loo qaaday xarun lagu siinayo daryeel joogta ah. Eyga yarina wuxuu ku cidlooday aqalka. Hayeeshe fikrad kama heysto in milkiihiisa aysan soo laabanayn abid. Sidaas darteed, wuxuu saddexdii sano ee lasoo dhaafay ku qaatay sugisteeda.

Dadka deriska ayaa u sheegay warbaahinta in maalin kasta la arkayay Fu Shi  oo iridda hore ee aqalka taagan – sugayana in milkiilihiisa uu soo noqdo. Wuxuuna halkaas fadhiisan jiray ilaa gabbalku ka dhaco. Wuxuuna kusoo laaban jiray guriga lagu cidleeyey.

Markii ay taabatay sheekada xayawaanka daacadda ah, mid kamid ah deriska ayaa u yeeray kooxda badbaadada noolaha wuxuuna u weriyay xaaladda Fu Shi. Nasiib wanaag wuxuu ku samata-bixi jiray cuntooyinka ay usoo dhigaan dadka deriska ah taniyo markii uu cidlooday, hayeeshe waxba kama qaban karin tiiraanyadiisa.

Markii baaritaan dheer lagu sameeyey waxaa la ogaaday inuu 8 sano jir yahay, waxaana ku dhacay xanuun caloosha ah – gooryaan calooleed. Waase la daweeyey.

Nasiib fiican ayaase u yimid. Sheekadiisa murugta laheydna waxay ku idlaatay dhamaad farxad leh.  Sina reports ayaa soo werisay in markii Fu Shi ay warkiisa baahiyeen baraha warbaahinta uu helay qoys daryeela kuwaas oo hadda magacii hore ka badalay una bixiyay Sky.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan