Himilo – Badi sheekooyinka la xiriira Eyda la rabbaayadeysto waa kuwo qalbi taabad leh, si ka duwan noolayaasha kale aad ayey u jeclaadaan ruuxa xannaaneeya, kaasi oo ay had iyo jeer ba la joogaan.
Fero oo ahaa Ey dibad meer ah ayaa 11 sano kahor waxa uu tagay guriga Ömer Güven oo ahaa aabbe dhalay shan carruur ah.
Guvan waxa uu ksuoo dhaweeyay gurigiisa oo ku yaalla waqooyiga Turkiga, balse muddo 11 sano ah oo uu xanaaneynayay, waa uu geeriyooday.
Geeridiisa kaddib waxaa aad u baahay muuqaalka laga duubay Fero isaga oo dul fadhiya xabaasha, aabaha 92-jirka ahaa.
Fatma Guven oo uu sodog u ahaa, ayuu raacaa xilliyada ay soo booqaneyso qabriga, balse waqtiyada qaar keligiis ayaa taga muddana soo joogga.
Waxaa la weydiiyay waxa uu u sameyn jiray, iyada oo tiri “Subax weliba marka uu soo tooso ka hor inta uusan quraacan ayuu quudin jiray, habeenkii sidaasi ayuu sameyn jiray mana jecleyn inuu cunteeyo isaga oo aanan wax siin Fero”
Xiriirka ka dhaxeeya waxa uu ahaa mid qoto dheer, Maalinkii la aasayay Guven, qoyska ayuu u raacay duugta, isaga oo markii la aasay qeybta midig ka fariistay xabaasha, halkaasi ayuuna muddo joogay.
Dadka deriska ayaa arka mararka qaar Eygan daacadda ah oo aysan ciddi la socon oo dul fadhiya qabriga, qaarkood ayay ishoodu qabataa isaga oo ilmeynaya.
W.Q: Sacdiya Nuur Ciid