Kooxaha kubadda cagta FC Banaadir iyo O.F.C ayaa kulan ka tirsan horyaalka heerka labaad ku wada cayaaray gegada Banaadir.
Qeybtii hore ee cayaarta wax gool ah la iskama dhallin iyadoo labada kooxoodba ay daafac ku kala jireen.
Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay, daqiiqaddii 51aad C/qaadir Siidow Cali oo lanbarka 6aad u xirta F.C Banaadir ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
O.F.C ayaa cayaarta kusoo laabatay iyadoo daqiiqaddii 62aad goolka barbaraha ka heshay Qaalid Xasan Xaashi
Zakariye Cusmaan Nuur iyo Maxamed Cusmaan Abuukar ayaa labo gool F.C Banaadir u kala dhaliyay daqiiqadihii 69aad iyo 84aad ee cayaarta.
F.C Banaadir ayaana kulan cayaareedkan ku badisay 3-1.