Home / Macluumaad / Faadumo Soon-qaad – Bil Shacbaan?!

Faadumo Soon-qaad – Bil Shacbaan?!

Muqdisho – Inta badan magacyada aad maqasho kuma wada dhacaan dhegahaada mar qura iyo maalin kasta. Waxaa jira magacyo si gaar ah ugu soo daadega qalbigaada marka la joogo xilliyada qaar kuwaas oo ku dareensiiya inay tahay waqtigii dhacdadani ku badnaan jirtay maqalka dhegahaada.

Balse kuma filna mana ku eka dhawaqa oo kaliya – marka laga hadlayo bisha Shacbaan dhexdeeda arooska la galo oo dad badan ay ugu magac-dareen Faadumo-Soonqaad. Taniyo intii la xusuusan karo, marka laga hadlayo faca hore ama da’da dhexe, magacani wuxuu ahaa mid lasoo adeegsado. Hayeeshe, majirto taariikh sugan oo dib loogu celiyo meeshii iyo siduu ku yimid wan-qalkiisa.

Amminta uu dhacayo iyo sida halhaleelka ah oo lagu agaasimayo qurxintiisa iyo hannaanka ugu fudud oo labada lamaane ugu diyaar-garoobaan maalmaha macaan ee cibaadada Ramadaanka ayaa ka dhigtay mid kamid ah aroosyada loogu hadal-heynta badan yahay badi geyiga Soomaalida. Dadkuna ay waaya’aragga ku yihiin xaggiisa.

Hadana aroos kasta oo bisha Shacbaan dhaca, halka laga yaabo inay yeeshaan magac qura oo lawada tilmaamo, mawada lahan isku ujeeddo. Aragtida ugu badan oo laga aaminsan yahay guurkan, waa in lamaanaha muddo soo waday agaasinka iyo qorshaha uu waqtigu kula soo dhawaaday dhalashada bisha Ramadaan; kadibna ay sidaas u aqal-galeen – u eegis la’aan bil Shacbaan iyo bil kale.

Waase kuwa danbe inta qabta in aroosyada dhaca bil Shacbaan loogu diyaar-garoobo Soonka bisha Ramadaan. Tani waxay ku xoojinayaan magaca laf ahaantiisa loo qaatay in lagu qeexo ujeeddo badanta dahsoon ee guurkooda.

Si kastaba, marka aan dib u milicsanno waxa ay ka dhigan tahay Faadumo-Soonqaad – innaga oo ku saleyneyna muuqaalka iyo malamada ka dhex jirta bulshada oo ay isku dhiibaan mar kasta oo aroos la galbinayo  bisha Shacbaan ay arkaan, waxaan ka dhex heli karnaa waxyaalo dhowr ah.

Jid la marista baabuur lagu galbinayo aroos, ereyada kaftanka iyo xifaalada isugu jira oo loo tiiriyo caruuska iyo caruusadda waxay dib u meerinayaan xaaladaha kala duwan oo ay kalinimada kula noolaayeen. Iskaabulada oo loo arko kuwo ku dhibtooda maalmaha adag ee Soonkana waa bartilmaameedka koobaad.

Halka kuwa ka hoyday nolosha kalinimada si kajan ah loogu soo dhaweeyo is-baddalka cusub, hadana kuwa aan guursan ee wali ku harsan inay Afurka iyo Hiraabta/Suxuurta la cunaan; kana sugaan aqallada ehellada iyo xigtada ay la nool yihiin, waxaa lagu eega indho maadeysan oo loogu sheegayo sida kululeysada lagu diirriyo cuntada ay ula yihiin saaxiib lama huraan ah.

Nasiib wanaag, gabdhuhu malahan weero hal-tirsi leh oo lagu micneeyo aqal-galkooda bisha Shacbaan maadaama loo arko samata-bixiyaasha iyo jiheeyaasha dhiggooda ah.

Hayeeshe waa sugnaan la’aanta nuuca mustaqbal oo guurkan loogu magac-daray Faadumo-Soonqaad uu kusii jeedo tan xagal-daacinaysa filasho midaysan oo gabagabadiisa si midaysan loogu celiyo.

Marka la eego xogaha qaar, tirada lamaanaha is-guursada ma ahan mid ka yar bilaha kale – halka tira-koobyada qaar ay tilmaamayaan inay ka badan tahay isu-geynta qeyb kamid ah bilaha kale ee sanadka.

In kasta oo aan laheynin hal-tiro sugan oo si qoto dheer u faaqida nuuca natiijo oo guurkani ku danbeeyo, hadana saadaasha laga bixiyo ma ahan mid isku dhow. Sida magacuba u fudud yahay, hal-sahmiyaasha ayaa tilmaama in sugnaanta dhidibada uu ku taagan yahay aqalkuna aysan aheyn mid adag.

Furriinku waa tusmada ay ka xun yihiin inay ku sifeeyaan natiijada usoo daadegta qoysaskan ku cusub wadajirka nolosha. Waloow kiisaska furriinka ay yihiin kuwo si aan kala reeb laheyn ugu beegan kala taggga qoysaska, hadana sida degdegga ah oo lagu agaagumo aqalladani waxay soo raaridi karaan burburkooda.

Haddii madmadowga qaar ee tibaaxa in Arooska Faadumo-Soonqaad uu yahay gaabsi iyo ku meel-gaar ah loo helo aragti-cilmiyeed si sax ah u naqdisa, isu-geynta laba kheyr oo mar qura isku soo beegma waxay barako iyo baraare u noqoneysaa lamaane kasta oo calafkoodu hir-galay bisha Soonqaad horteeda.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan