Muqdisho – Markii Alle uu Qur’ankiisa noogu sheegay inuu Shinnida ugu wax-yooday inay hoy ka dhigo buuraha iyo geedaha iyo wixii soo raaca – kadibna ay cunto miraha oo dhan, wuxuu Eebe nooga soo saaray sharaab kala duwan midab ahaan caafimaadna u leh bani’aadanka.
Maanta waxaa timid in si qoto dheer loogu fogaaday culuumta la xiriirta Shinnida iyo wax soo saarkeeda malabka. Haddaba faa’iidooyinka ku jira malabka waxaa kamid ah:
- Waxay kahor-tagtaa Kansarka iyo cudurrada wadnaha ku dhaca.
- Waxay yaraysaa boogaha iyo isku yaacsanaanta mindhicirada.
- Waxay liddi ku tahay bacteriyada iyo ilma-aragtida kale ee faafiya cudurrada qaar.
- Waxay sare u qaadaa ban-dhigga orodada.
- Waxay daweysaa qufaca iyo qafal-mardaxa ama isku buuqsanaanta.
- Waxay isku dheelli-tirtaa jirka. Waxaa sidoo kale la sheegaa inay muhiimad u leedahay kobcinta araga, yareynta cayilka, neefta, shuban-biyoodka iyo kaadi-baxsadka.
- Waxaa lagu dabiibaa dhaawacyada iyo gubashada – wadiiqooyinka dhawaan-galka ah ee laga bartay wax-tarka malabka waa in loo adeegsado dhaawacyada qalliinka iyo dadka gubta in lagu dabiibo.