Faa’iidooyinka laga helo cunista Sabiibka.

Muqdisho – Sabiibka oo afka qalaad lagu yiraahdo raisins, wuxuu ku jiraa qudaarta faakihaysiga loo cuno. Balse in badan kamid ah faa’iidada caafimaad ee ku jirta lama socdaan. Waxaana jira faa’iidooyin aan lasoo koobi karin oo kugu sii qasbaya inaad sii isticmaasho ama hadda kadib aad bilowdo cunistiisa.

  1. Wuxuu daweeyaa calool-fuurka.
  2. Wuxuu sare u qaadaa miisaanka qofka – culeyska. Waxaana ku jira maadooyinka protein ah.
  3. Wuxuu kahor-tagaa cudurka Kansarka.
  4. Wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga.
  5. Wuxuu maareeyaa Kaadi-macaanka.
  6. Wuxuu dawo u yahay cudurka dhiig-yarida ‘anemia’. Waxaana ku jira maadada iron-ka oo u fiican sare u qaadista dhiigga.
  7. Wuxuu dawo u yahay qandhada ama xumadda.
  8. Wuxuu daryeelaa caafimaadka indhaha.
  9. Wuxuu u roon yahay ilkaha.
  10. Wuxuu xoojiyaa lafaha waxaana ku jira calcium muhiimad u ah lafaha.
  11. Wuxuu u firfircoonaysiiyaa galmada – maadada Arginine oo xoojisa shahwada taas oo sababi karta joogteynta howsha galmada ayaa ka buuxda. Waana dhaqan guud oo Hindiya laga yaqaan habeenka arooska oo caruuska iyo caruusadda ay cabayaan galaas caano ah oo lagu kariyay sabiib. Waxaana sidoo kale lagula taliyaa dadka la dhiban galmada inay badsadaan.
  12. Wuxuu kahor-tagaa aashitada – sabiibka waxaa ku cabaysan potassium iyo magnesium kuwaas oo liddi ku ah aasidka.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan