Home / Cayaaro / Fabrizio Romano: “Jadon Sancho wuxuu ka tagi doonaa Borussia Dortmund xagaaga soo aadan”

Fabrizio Romano: “Jadon Sancho wuxuu ka tagi doonaa Borussia Dortmund xagaaga soo aadan”

Himilo – Xiddiga kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda xagaaga soo aadan, iyadoo Manchester United ay culeys ku saareyso garabka si ay ula soo saxiixato.

20 jirkaan, oo weli ah bartilmaameedka koowaad ee United xagaaga ayaa ka mid ah afar ciyaaryahan oo Ole Gunnar Solskjaer loo maleynayo inuu doonayo inay ka caawiyaan xoojinta kooxdiisa.

Saxafiga kubada cagta ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in ayna kooxda Dortmund diyaar u ahayn in ay martigeliso wax dalab ah suuqa kala iibsiga ee bisha dambe laakiin ay ka fiirsan doonaan iibka qiimaha saxda ah xagaaga dambe.

“Xagaaga dambe waxaan filayaa Jadon Sancho inuu ka tagayo kooxda, Haa, runti hal talaabo ayuu u jiray inuu ka tago Borussia Dortmund xagaagan, Manchester United runtii waxay ku dhawaatay inay kula soo wareegto € 100m” ayuu Romano u sheegay Que Golazo Podcast.

“Laakiin ka dib Borussia Dortmund ayaa bedeshay qorshayaashooda, laakiin Manchester United ayaa heshiis la gashay ciyaaryahanka iyo wakiiladiisa, sidaas darteed wax walba diyaar ayey ahaayeen, ka dibna heshiiska ayaa ku burburay heerarkii ugu dambeeyay.

“Taasi waa sababta aan u leeyahay xagaaga dambe, waxaan filayaa Jadon Sancho inuu kooxda ka tago kuna laabto Premier League”.

Sancho ayaa kooxda reer Jarmal u saftay 18 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay afar gool, islamarkaana caawiye ka ahaa sideed kale.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan