Facebuuga, Twitterka iyo aaladaha lamidka ah ayaa lagu soo waramayaa inay kordhiyeen heerka kala tagga ama furitaanka ee lamaanayaasha Masar.
Qubaro daraasad ama baaritaan arrintan ku sameeyay ayaa sheegaya in Facebuuga iyo Twitterka ay noqdeen sababta labaad oo ay ku kala tagaan lamaanayaasha Masar ee xiriir wadaagga ah marka laga yimaado dhibaatooyinka dhaqaale oo ah sababta koobaad oo ay isku furaan lamaanayaasha Masar.
Facebuuga iyo Twitterka ayaa ka mas’uul ah 40% dadka is fura dalka Masar kuwaasi oo ku kala taga maseyr ka dhasha wadasheekeysiga ama qoraalada facebuuga iyo twitterka sida uu qabo Cabdirisaaq oo kamida dadka baaritaankan sameeyay.
Cabdirisaaq ayaa sheegay in furiinku uu masar ka noqday wax fudud oo afka saaran facebuuga iyo Shabakadaha lamidka ah ayuuna dusha ka saaray mas’uuliyadda qaar ee furiinada Masar.
“Facebuugu wuxuu keenay dhibaato weyn, waxa uu liddi ku yahay dhismaha qoysaska Masar”
Sidaasi waxaa yiri Cabdi oo wargeyska Misrul youm la hadlay.
Ugu danbeyn qubarada daraasada sameeyay ayaa tilmaamay in maseyrku uu yahay sababta ugu weyn ee keenta furiinka dalka Masar .
Xigasho: Wargeyska Misrul Youm.