Home / Aragtida Islamka / Fadliga Salaadda Taraawiixda

Fadliga Salaadda Taraawiixda

Himilo – Lix habiin oo xariir ah ayaa masjidkan laga dukanayaa salaada taraawiixda si lamid ah masaajidka kale, waa masaajid aad loo qurxiyey gudihiisa waxaa uu qaadaa qiyaastii sideed saf oo qeybta hoose ah balse hadda waxaa ku dukanaya lix saf iyo dheeraad.

Safafka waxaa u badan garmadow da’ dhaxaad ah iyo rag cuslaaday oo qaarkood ay ku fadhiyaan kuraas caag ah, safafka qaar waxaa ku badan kurayo aan qaan-gaarin, qaar kamid ah waalidkood ayaa dhinac taagan oo salaadda ku ag dukanaya halka qaar kale ay iskood masaajidka u yimaadeen, qeybta sare ee masaajidka waxaa ku dukanaya dumar aysan tiradoodu yareyn oo ka agdhow qeybta hoose jameecada ku dukaneyso.

Waxaa imam nimada isku badalay labo wiil oo dhlinyaro ah, midka hore oo afar ragco dujiye ayaa cud ahaa aad uga agdhow sheikh Ali al-jaabiri qaarigii weynaa ee geeriyooday horraantii sanadkan 2021-ka, afartii ragco ee hore markii ay dhamaatay nasiinadii intii lagu guda jiray waxaa istaagay mid kamid ah culimada masaajidka oo baraarujin kooban u jeediyey jameecadii sadaaladda ka soo qeyb gashay.

Qeybtii dambe ayaa markale loo istaagay iyadoo markan uu hogaanka qabtay dayaar kale oo afarta ragco ee dambe ku qornaa cod ahaan kamada liito imam-kii isaga ka horeye dadkuna waxay ragta laraacayaan codka wanaagsan ee lagu kaban xifdinta qur’aanka.

Inta ay socoto bisha ramadaan waxuu u qorsheysan labada imaamaan inay iyagu taraawiixda dhameeyaaan hadii alle idmo sida ay ii sheegeen.

Sanadkii ugu dambeeyay ee nolosha rasuulkeena SCW ayaa rasuulkeenu habeen soo baxay wuxuuna tukadey Salaada taraawiixda waxaana habeenkaa ku xirtay salaadda tiro yar oo asxaabtiisa ahaa. Habeenkii ku xigey dad intii habeenkii ka horeeyay ka badan ayaa ku xirtay maadaama lays wada gaarsiiyay. Habeenkii sadexaad intii in ka sii badan.

Habeenkii afraad rasuulka CSW ayaana u soo bixin saxaabadii masaajidka ku sugeyse.

Masaajida qaar ayaa ku kala galisan tirade rukuucda la tukado salaadda taraawiixda

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan