Muqdisho – Taariikhda inta lagu hayo booliiska Taraafikada waxa ay soo bilaabatay goor laga joogo ku dhawaad laba qarni, saxmada iyo buuqa ka jira wadooyinka lama xalin kari laheyn iyadoo aan loo helin sharci iyo awoodo ka shaqeya si loo xakameeyo dhibaatooyinka ka dhalan kara, .
Qarnigii siddeed iyo tobanaad ayay ahayd markii la sameeyey tijaabadii u horeesay in qof uu ilaaliyo wadada kaddib markii duqii London uu sheegay in loo baahanyahy Booliis kala haga wadooyinka si loo yareeyo shilalka ka dhacayey waqtigaas magaalada London.
Waxii ka dambeeyay intaas waxa isa soo tarayey horumarada laga gaarayo howlaha taraafiakada iyo in lasii garto in ay muhiim tahay shaqadooda. Shaqada ugu badan hadda caalamka waxaa qabto astaamo loogu talo galay in lagu hago dadka iyo gawaarida, intaas oo kaliya kuma eka howlaha taraafikada oo mararka qaar waxa ay qabtaan waajibaadyo kala dhaxeeya booliiska qeybahiisa kale.
Booliska Taraafikada waxay bixiyaan adeeg qiimo leh oo ay u hayaan bulshada iyagoo hagaya waddooyinka waddanka iyo fulinta sharciyada wadista gaadiidka. Sida hagaajinta sharciyada baabuurta, booliiska taraafikadu waxay leeyihiin awood ay ku qori karaan, ku qaban karaan oo ku xiri karaan muwaadiniinta lagu tuhunsan yahay inay jebiyaan sharciga.
Heerka asaasiga ah, booliiska taraafikada waxaa loo xil saaray fulinta shuruucda waddada, sida xakamaynta xawaaraha gawaarida, hab dhaqanka wadista baabuurta, baaritaanka shatiga iyo diiwaangelinta gaariga. Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale xakameyn karaan baaritaanka shilalka, xatooyada gawaarida iyo ka-hortagga, faahfaahinta amniga ee dowladda iyo shaqsiyaadka caanka ah iyo caawimaadda baarista dambiyada.
Sida qeybaha kale ee booliiska ayuu ugu baahanyahy inuu xaadiro xarun tababar, waxaana saaran shaqsiga Taraafikada ka tirsan karti iyo feegjignaan dheeraad ah. Qofka noqonaya waxa laga eegayaa inu taam yahay maskax ahaan iyo muuqaal ahaanba.
Inuu helo mushaar dhameestiran iyo in uusan noqon mid ku daala wadada waxa ay caawineysaa ka hortaga falal lidiga ku ah ammaanka, waxa ayna ciidamada nabadgalayda u sahleysaa ka warqabka baabuurta aan sharciga aheyn ama qaldan. Bulsho ahaan waxaa ay kamid tahay sugnaanta iyo in lag hortago dhicista shilal isdaba joog ah.
Hadaba intee ayuu la egyahy fahamka bulshadu ka haysato howsha taraafikada: qaran jabkii ka dambeeyey 1991-kii waxa dhacay waxa ay saameeyeen dhammaan qeybaha nolosha, si gaar ah haddii aad u fiiriso waxaad dareemeysaa in badi bulshada ixtiraamin kuna dhaqmin waajibaadka wadooyinka sababo badan haba ugu horeeso aqoon darrida ka jirta dhankaas oo bulshada ku dhawaad rubuc qarni ay ahaayeen kuwa aan sharci iyo kala dambeen laheyn.
Waxaa kale oo loo sababeeyaa inaysan helin mushahar iyo tababaro ku filan dadka si saani ah ugu shaqeen, sida ay doonto ha noqoto billowga fiican ee aan hadda heysano waxa uu noo horseedi karaa baraarug wax fiican ka qaban kara dhibaatooyinka waddo marista ee dalka ka jirta.
Marka aad ku socdaaleyso wadooyinka kala duwan waxaad la kulmeysa wadayaal badan oo aan u hoggaansameyn shuruucda wadada hadii uu joogo Booliis Taraafiik ah iyo hadii uusan jooginba. Iinaha kale ee loo tiiriyo waxaa kamid ah in wadaaysha gaarida aysan aheyn kuwa hela tababar kaga filan aqoonta wado marista iyo nooca gaadidka ay wadaan.
Waxa ay kasii dartay markii ay yimaadeen gaadiidka yar yar ee loo yaqaan Bajaajta kuwaa oo dhalinta si kas la’aan ah mararka qaar ugu kaxeeyaan wadooyinka magaalada taasi oo sababta shilal joogta ah iyo xakameyn la’aan ka jirta jaamamka ka dhasha maqnaanshaha booliiskii ku shaqada leh wadada.
Ugu dambeeyn helista boolis taraafik u tababaran waxa uu yareyn karaa saxmadda maalinlaha ee ka jirta wadooyinka qaar, weynta shilal joogta ah, raacista shuruucda wadooyinka, qaadashada Leesanka, helista iyo ka warqabka ammaanka dalka iyo horumarinta darawaliinta wada gaadiidka.
Inaad xushmeyso qofka kuu haya howsha noocaas waxa ay keeneysaa hagaagsanaanta iyo bad qabka naftaada, hantidaada iyo guud ahaan bulshada.
Qore: Fardowsa Sheik Abdirahman
lamiis2239@gmail.com