Kooxaha kubadda cagta Elman iyo Heegan ayaa ku wada balansan galabta gegada Banaadir Stadium.
Elman waa kooxda ugu guulaha badan horyaalka kaddib burburkii dalka, halka Heegan ay tahay kooxdii horyaalka hanatay xagaagii tegay.
Cayaarta labada kooxood ayaa soo geli doonta galabta saacadda geeska Afrika marka ay tahay 3:30pm.
Labada kooxoodba barbarooyin ayay la kulmeen kulankoodii u danbeeyay, Heegan ayaa barbaro 2-2 ah la dhaafi weysay dhigeeda Saxafi kulan cayaareed dhacay Arbacadii hore halka Elman Isniintii ay barbaro la gashay kooxda Jeenyo.
Inkastoo Elman ay tahay koox weyn misna xagaagan hoos u dhac xoogan ayaa ka muuqda, booska toddobaad ayay la fadhisaa 20 dhibcood, horyaalkana ma aysan ku guuleysan saddexdii sano ee u danbeysay, dhibaatada halageysay ayaana ah in keliya xagaagan bilowgiisii 12 cayaaryahan oo kooxda muhiim u ahaa ay tahriibeen si ay Yurub u galaan.
Heegan iyadu iminka booska afaraad ayay la fadhisaa 28 dhibcood, waxaa soo martay fursad ay horyaalka ku daafacan kartay, laakiin kama aysan faa’ideysan.
labadii kulan oo u danbeysay oo labada kooxood ay wada cayaareen, waxay ku kala baxeen barbaro, kii u danbeeyay ee xagaagan oo dhacay maallin Arbaco ah 17dii bishii labaad ee sanadkan barbaro 1-1 ah ayay isla dhaafi waayeen.
Guushii ugu weyneyd ee kulankan waxaa gaartay Elman oo 3-0 ku dharbaaxday Heegan maallin Jimce ah oo taariikhdu aheyd 6 bishii July 2012.