Home / Arrimaha Bulshada / Fannaanadii Khadro Daahir iyo waayaheedii nolosha

Fannaanadii Khadro Daahir iyo waayaheedii nolosha

Himilo – Magaalada Hargeysa waxaa 2dii July 2022 ku geeriyootay Allaha ha u naxariisto Khadra Daahir Cige oo kamid ahayd Fannaaniinta Qaranka ee Hobollada Waaberi, waxa ay kasoo gashay dhanka Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Khadra ayaa ka mid ahayd fannaaniinta loogu jeclaa Soomaalida, waxaana ay ka mid ahayd kooxdii Waaberi, iyadoo waayadii ugu dambeeyay ku nooleyd Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Khadra Daahir Cige ayaa ku dhalatay Hargeysa sanadkii 1957-dii, waxaana fankeedu uu kasoo shaac baxay isla Magaaladaasi. Jeceylka ay fanka u qabtay ayaa ahaa mid qof kasta uu ka garan karay intii ay ku jirtay waxbaarshada Iskuulka, waxaana la isla arkay hibadeeda fanka xiliyada munaasabadaha oo ay iskuulka heeso ka qaadi jirtay.

Intii ay ku guda jirtay waxbarashada, Mar kale ayay Indhaha, dhegaha daawadayaasha iyo dhageystayaasha ka yaabsatay, kadib markii 1970-kii ay Iskuulka kaga qayb-gashay ruwaayad ay Ardaydu jilayeen, waxaana isla sanadkaas ay muujisay jilliin, cod kuwacan dhageysiga, qaab-masrixiyadeed qof walba uu la Ash-qaraarayo, waxaana ay hantiday mucaashiqiinta fanka.

Heestii ugu horreysay oo ay qaaday waxay ahayd “Afka lagama sheegto adiga oo Jaceyl arag” oo uu miraha heestan uu lahaa Maxamed Cabdi Wayrax, halka uu laxanka saaray Saalax Qaasim Naaji.

Inkasta oo ay burburkii Soomaaliya ka dib muddo dheer qurbaha ku noolayd, hadanna dhowr iyo labaatankii sanno ee u danbeeyay waxay degenayd magaalada Hargeysa.

Aaska khadra waxaa ka qeyb galay fanaaniin waaweyn iyo abwaano  la soo shaqeeyey fannaanada.

Qoray: Cali Hilowle

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan