Home / Habka-Nolosha / Faransiiska: Dhibka lagu qabo waalidiinta ardayda ka bootiya darbiyada dugsiga

Faransiiska: Dhibka lagu qabo waalidiinta ardayda ka bootiya darbiyada dugsiga

Himilo – Dugsi hoose, dhexe oo ku yaala Faransiiska ayaa codsi u diray waalidiinta caruurtooda ka bootiyada darbiga dugsiga xilliyada ay la kulmaan isaga oo xiran, si xal loogu helo mushkiladaasi.

Banaanka hore ee deyrka/darbiga dugsiga Trillade, ayaa lagu dhajiyay booror lagu xardhay waalid cunugiisa ka bootinaya darbiga, iyada oo la raaciyay qoraal u dhignaa “Haka tuurin ardayda soo habsaamay albaabkaa xiran korkiisa, halkii aad ka sugi lahayd inta laga furayo illinka”.

Sanaa Meziane, maamulaha iskuulka, ayaa u sheegtay wargeyska afka faransiiska kusoo baxa ee La Provence in waalidiintu ay si dhab ah curuurtooda kaga bootiyaan darbiga marka ay yimaadaan albaabka dugsiga oo xiran.

Inkasta oo aysan ahayn dhacdooyin badan oo dhaawac geystay, haddana waa kuwa ku filan oo saraakiisha dugsiga Trillade ay ku qaadaan karaan go’aan, ayey tiri Sanaa Meziane.

Maalmo kahor ayaa la saaray Faransiiska amar lagu mamnuucayo waalidiinta caruurtooda u kaxeeya dugsiga ee ka dib dhaca waqtiga ay xaroodaan ardayda inaysan caruurtooda ka bootin deyrka iskuulka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan