Home / Habka-Nolosha / Faransiiska: Masjid ‘gabaad siinaya’ Darbi-jiifta

Faransiiska: Masjid ‘gabaad siinaya’ Darbi-jiifta

Himilo – Qabowga daran ee ka jira qeybo dunida kamid ah, masjid ku yaal Faransiiska ayaa albaabada u furay kuwa dibjirka iyo qaxootiga.

“Muslimiinta ayaa gabaad na siiyay; waxaana ku faraxsanahay inan helno,” shwor, oo ah qaxooti ka yimid Nepal ayaa u sheegay warbaahinta.

Masjidka Mantes Sud waxaa la dhisay sannadkii 2015-ka.

Dhismaha Masjidka, Abdelaziz el Jaouhari, oo ah madaxa masjidka ayaa sheegay inay doonayeen goob Ilaahay ay ku caabudaan oo sidii Suubanaha NNKH qof walba u furan.

“Masjidka Nebigu wuxuu ahaa goob aan kaliya lagu caabudin Ilaahay, balse lagu kaalmeeyo danyarta, lagana raacdo cilmiga diiniga ah,” ayuu yiri.

“Waxaan magangalo iyo hoy u fidinaa qof walba sannadka oo dhan. Mana ahan Muslimiinta oo kaliya. Hayeeshe, qof walba oo soo garaaca albaabka.”

Masjidka Mante Sud wuxuu ku biirayaa dhowr masaajid oo hoy u fidiya dadka dibjirka ah.

Bilowgii bishan, Masjidka ugu da’da weyn Kanada, Al Rashid Mosque, ayaa albaabada u balaqay dadka darbi-jiifta ah ee ku nool magaalada.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan