Farriin caafimaad oo u digaysa ragga aan khuraacan!

Muqdisho – Natiijada daraasad ay sameysay jaamacadda Harvard ayaa tilmaamtay in ragga aan khuraacan markasta ay u nugul yihiin cuduradda ku dhaca wadnaha gaar ahaan xanuun xanniba dhiigga taga wadnaha.

Wargeyska “Circulation” ayaa daabacay baaritaanka oo qeexay in ragga aanan khuraacan ay khatar ugu jiraan in uu haleelo mid kamid ah cuduradda wadnaha 27% marka loo fiiriyo ragga sida joogtada ah u qaata khuraacda.

Saynisyahanada ayaa ka shaqeynayay daraasadda muddo ku simman 16 sano, waxaana loo cuskaday baaritaanka nolosha 27 kun oo qofood oo da’doodu u dhaxaysay 45 illaa 82 sano jir.

Khubarada waxay tilmaameen in 1500 qofood oo kamid ah dadka ka qeybgalay daraasadda laga helay xanuunka joojiya dhiigga taga wadnaha iyaga oo badqabay baaritaanka kahor.

Kaddib, waxaa saynisyahanada caadyaal u noqday in xanuunka dadkaasi ku dhacay loo tiirin karo khuraac la’aanta ama iyada oo uusan qofka joogteyn laakiin waxaa xusid mudan in inta badan dadkaasi ahaayeen dadka sigaarka caba iyo maandooriyayaasha kale.

Xanuunka ugu badan ee laga dhaxlo khuraac la’aanta waxay daraasadda ku sheegtay midka xanniba dhiigga taga wadnaha, waxaana qofka sidaasi ku istaagi kara wadnaha.

 

 

 

 

 

 

 

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan