Home / Caafimaad / Farriin caafimaad oo u digaysa ragga aan khuraacan!

Farriin caafimaad oo u digaysa ragga aan khuraacan!

Muqdisho – Natiijada daraasad ay sameysay jaamacadda Harvard ayaa tilmaamtay in ragga aan khuraacan markasta ay u nugul yihiin cuduradda ku dhaca wadnaha gaar ahaan xanuun xanniba dhiigga taga wadnaha.

Wargeyska “Circulation” ayaa daabacay baaritaanka oo qeexay in ragga aanan khuraacan ay khatar ugu jiraan in uu haleelo mid kamid ah cuduradda wadnaha 27% marka loo fiiriyo ragga sida joogtada ah u qaata khuraacda.

Saynisyahanada ayaa ka shaqeynayay daraasadda muddo ku simman 16 sano, waxaana loo cuskaday baaritaanka nolosha 27 kun oo qofood oo da’doodu u dhaxaysay 45 illaa 82 sano jir.

Khubarada waxay tilmaameen in 1500 qofood oo kamid ah dadka ka qeybgalay daraasadda laga helay xanuunka joojiya dhiigga taga wadnaha iyaga oo badqabay baaritaanka kahor.

Kaddib, waxaa saynisyahanada caadyaal u noqday in xanuunka dadkaasi ku dhacay loo tiirin karo khuraac la’aanta ama iyada oo uusan qofka joogteyn laakiin waxaa xusid mudan in inta badan dadkaasi ahaayeen dadka sigaarka caba iyo maandooriyayaasha kale.

Xanuunka ugu badan ee laga dhaxlo khuraac la’aanta waxay daraasadda ku sheegtay midka xanniba dhiigga taga wadnaha, waxaana qofka sidaasi ku istaagi kara wadnaha.

 

 

 

 

 

 

 

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. chinese viagra I not sure if vitex caused it

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan