Home / Macluumaad / Farriin ka habowday Midowgii Soviet oo 50 kaddib la helay

Farriin ka habowday Midowgii Soviet oo 50 kaddib la helay

Himilo – Nin ayaa xeebta galbeed gobolka Alaska ee mareykanka ka helay warqad dhalo ku jirta oo uu qoray bad-maaxe reer Ruush ah muddo laga joogo 50 sano!

Tyler Ivanoff waxa uu ku hawlanaa xaabo aruurin meel u dhaw Shishmaref , waxa uu isha la helay waraaq ku dhigan luuqadda Ruushka oo quraarad ku xiran.

“Waxaan raadinayay xaabo,  markii aan helay dhalada, waxaan ogaaday inay warqad ku dhex jirto, si aan u soo saaro waxaan u adeegsaday kashwiito” sidaa waxaa yiri Tyler Ivanoff.

Intaa kaddib Ivanoff, ayaa warqadda sawirkeeda dhigay bartiisa facebook, waxaa durbaba turjumay muwaadiniin Ruush ah oo ku sheegay inay aheyd salaam ka yimid bad-maaxe Ruush ah oo ka mid ahaa saraakiishii dagaalkii qaboobaa daba-yaaqadii 1969.

Farriinta waxaa ku jiray ciwaan iyo codsi soo jawaabid ah oo ku socday qofka hela. Waxaa lagu waydiistay ruux hanta inuu jawaab degdeg ah u diro shaqaalaha markabka Sulak oo joogay Vladivostok.

Weriyeyaasha ka socday shabakadda warbaahinta ee ay dowladdu leedahay Russia-1, ayaa raad raacay qoraagii asalka ahaa, Kabtanka Anatolii Prokofievich Botsanenko, KTUU ayaa werisay.

Bilowgii wuxuu ka shakisnaa inuu qoraalka sameeyay iyo in kale ilaa uu ka arkay saxiisa. Markii qoraalkan dirayay waxa uu jiray 36 sano hadda waa 86 jir.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan