Himilo – Shaun Mckenzie, oo loo garan ogyahay NeeYellow waa mid ka mid ah shaqsiyaadka ku horreeya xagga farshaxanka, si gaar ah sawirka loo adeegsado qallin geedka ee loo ekeeysiiyo kan lagu qaado kaamiradda.
Waa farshaxaniiste da’ yar oo reer Australia ah waxey ku qaadatay sameynta sawirka kuu muuqda muddo u dhaxeysa 60 illaa 80 saacadood, si uu bananaka u keeno sawir lagu kahi karo mid kaamirad qaatay.
Shaqadaha farshaxannimada oo mid sahlan aanan hayn ayaa keeni karta in waqti badan la galiyo. Mckenzie mid ka mid ah sawiradiisa waxa uu galiyay 280 saacadood, halka qaarkooda ay ku qaataan wax dhan 15 saac.
Sheekadiisa oo lagu daabacay mareegta Odditycentral laguma sheegin inuu iibin doono sawirkiisa cajiibka ah iyo in kale, waxaase hubaal ah inuu soo jiidan doonto indhaha dad badan, kuwaas oo qaarkood kula saaxiiba baraha bulshada.