Home / Habka-Nolosha / Fiinaalka tartanka kubadda cagta degmooyinka oo dib loo dhigay.

Fiinaalka tartanka kubadda cagta degmooyinka oo dib loo dhigay.

Muqdisho – Waxaa maanta  xarunta  Gobolka   Banaadir  ka dhacay  kulan lagu iclaaminayay xilliga uu qabsoomayo fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir  2018.

Kulanka oo uu  shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna duqa magaalada Muqdisho, ING, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Yariisoow) , waxaa sidoo kale kasoo qayb galay    Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyara iyo isboorrtiga, Masuuliyiinta qaybaha kale duwan ee Gobolka Banaadir iyo  masuuliyiinta Xiriirka Kubadda cagta, waxuuna  guddoomiyaha tilmaamay  Kulanka oo uu ujeedkiisu ahaa sidii   tartanka kubadda cagta Cagta degmooyinka Fiinaalkiisa  diyaar garow wanaagsan loogu samayn lahaa loogana dhigi lahaa mid  taariikhi ah.

Intaa kadib  warbixin ku aadan xaalada tartanka waxaa laga dhagaystay guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Mudane Xasan Wiish, waxuuna tilmaamay in tartanka   uu ad u xiiso badnaa  bandhiga degmooyinka uu aad u wanaagsanaa , waxuuna   mahad celin suoo jeediyay    qaybaha kale duwan  gobolka  Banaadir , Xiriirka kubadda cagta iyo wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga  oo garab wayn xafiiska  Isboortiga ku siiyay in tartanka uu qurux badnaado.

Masuuliyiinta   kulanka ku sugnaa ayaa   falanqeyn ku sameeyay  dhacdooyinki laga bartay tartamada hore iyo sidii sare loogu qaadi lahaa  finaalka tartanka waxaana layska gartay in  Fiinalka tartanka  o ay ku ballansan yihiin  degmooyinka  Waaberi iyo SHibis laga dhigo   24-bisha oo ku beegan maalinta isniinta habeenka ay talaada soo galayso xilli habeen ahna la ciyaaro ,sidoo kale waxaa  kulanka lagu go’aamiyay  in  degmooyinka Hodon iyo Shangaani ay  galabta Isniinta  ciyaaraan kulanka kaalinta saddaxaad.

Gebogabadii  guddoomiyaha  Gobolka Banaadir  Ana duqa magaalada Muqdisho, Ing Cabdiraxmaan Cumar Cismaan( Yariisoow) iyo Wasiir ku xigeenka    Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga     Axmed Cumar Isloow oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in caasimadda  Muqdisho  la tartanto  caasimadaha kale ee dunida sidoo kale Soomaaliyana la tartano   dalalka caalamka sidaa awgeed  ay  muhiim tahay in  fiinaalka tartanka kubadda cagta degmooyinka  diyaar xooggan oo dhankasta loo galo caasimadana laga dareemo waxa uu ka dhigan yahay tartankaas.

                     Waaxda warfaafinta xafiiska Isboortiga Gobolka Banaadir

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan