Himilo – Xiddigga reer Senegal ayaa qanciyay hoggaamiyaha Blues markii uu si wanaagsan uga soo muuqday kulankii kooxdiisa wajahday Los Nervionenses.
Tababaraha Chelsea, Frank Lampard ayaa ciyaarsiiyay Edouard Mendy iyada oo kooxdiisa ay barabro 0-0 la gashay Sevilla Talaadadii ciyaar Champions League aheyd.
28-jirkaan Stamford Bridge kaga soo biiray Rennes, ayaa booska koowaad kala baxay laacibka reer Spain ee Kepa Arrizabalaga.
“Seddex kulan tan iyo markii Edouard Mendy ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay waxa uu u dheelay si wanaagsan,” ayuu halyayga Chelsea u sheegay mareegta kooxda.
“Waxa uu sameeyay badbaadin wanaagsan, taas oo ka dhigan in aan shabaqiisa laba jeer la taban.
“Waan ognahay tayadiisa, wakhti xaadirkan waxa uu sii ahaan doonaa dookha koowaad ee naadiga”.
Kepa Arrizabalaga ayay Chelsea u aheyd dhibbane marka loo eego saameyn xumada uu kooxda ku yeeshay iyada oo jamaahiirta Blues bogaadiyeen dowrka ciyaareedka goolhaye Edouard Mendy .