Home / Cayaaro / Frenkie de Jong, Jordi Alba, Gerard Pique oo ku dhaw inay ka tagaan Barcelona

Frenkie de Jong, Jordi Alba, Gerard Pique oo ku dhaw inay ka tagaan Barcelona

Himilo – Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay dhowr ciyaaryahan diri karto si ay u yareyso mushaarka badan eek a baxa kooxda.

Xiddigaha bisha Janaayo ee sanadka soo socda isaga huleeli kara garoonka Camp Nou waxaa ka mid ah  Frenkie de Jong, Jordi Alba iyo Gerard Pique.

kooxda reer Catalonia waxay awooday in ay samayso dhawr saxiix oo waaweyn iyadoo la daalaadhacaysay dhaqaale xumo, waxana ay u ahayd bilawga ololahan kooxda.

Barcelona ayaa weli saaran cadaadis dhaqaale, inkastoo, sida laga soo xigtay Sport, kooxdu waxay ka shaqeyn doontaa sidii loo dhimi lahaa biilka mushaharka inta lagu jiro suuqa kala iibsiga Janaayo.

Warbixinta ayaa sheegeysa in De Jong, Alba iyo Pique dhamaantood lagu dari karo liiska suuqa kala iibsiga, halka Memphis Depay mustaqbalkiisa mar kale si dhow loo eegi doono.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan