Home / Cayaaro / Frenkie de Jong ‘ma ka tagi doono Barcelona bisha Janaayo’

Frenkie de Jong ‘ma ka tagi doono Barcelona bisha Janaayo’

Himilo – Frenkie de Jong ayaa lagu soo waramayaa inuusan wax niyad ah u haynin inuu ka tago Barcelona bilowga sanadka 2023.

Ciyaaryahanka heerka caalami ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo Camp Nou, iyadoo loo tiirinayay Manchester United.

De Jong ayaa dhowr jeer ku adkeystay inuu doonayo inuu baaqi ku sii ahaado Barcelona,  balse waxaa weli jira shaki ku wareegsan mutaqbalkiisa.

25-sano jirkaan ayaa bilowgii ololahan aad loo safin, laakiin hadda wuxuu helayaa mudnaanta Xavi marka la eego afartii kulan ee ugu danbeysay ee Barcelona.

Sida laga soo xigtay Sport, inkastoo la isla dhexmarayo, De Jong ma doonayo inuu dhageysto dalab kasta oo u imaanaya inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa hadda u saftay 155 kulan Blaugrana tan iyo markii uu ka yimid Ajax 2019, isagoo ka qeyb qaatay 14 gool iyo 18 caawin.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan