Himilo FM – Sannadkan dhammaadka ah, khubaro dhanka ammaanka ayaa liis ka soo saaray fure-sireedyada (Passwords) loogu isticmaalka badnaa kuwaasi oo ay habboon tahay inaad ka foggaato si aan xogtaada loo jabsan.
Xogta fure-sireedyada ugu xun adduunka ee la adeegsado waxaa lagu oggaaday baaris lagu sameeyay fure-sireedyada ku dhawaad 5 milyan oo qofood kuwaasi oo isticmaala tirsiyo nugul oo la qiyaasi karo.
Dad badan kama fekeraan inay sameystaan fure-sireed xooggan, waxayna tani keentaa in xog badan ka lunto marka laga jabsado cinwaanadooda.
Shirkada Splash Data ee qaabilsan amniga elektorooniga ah ayaa shaacisay 25-ka fure-sireed ee ugu xun in la isticmaalo.
Fure-sireedka ugu xun ee loo badnaa sannadkan waxa uu ahaa tirsiga israacsan ee “123456” iyo erayga “Password” oo kaalinta labaad yimid.
Waxaa kaalinta 3aad tiigsaday tirsiga israacsan ee “123456789” waxaa sidoo kale kaalinta 6aad ku jira fure-sireedka “111111” oo noqday mid kamid ah kuwa ugu xun ee la isticmaalo.
Kama marneyn “Iloveyou” oo ka dhigan waan ku jeclahay liiska fure-sireedyada loogu isticmaalka badnaa sannadka dhammaadka ah ee 2018.
Sawirka hoose ee ku lifaaqan xogtan ayaa kuu bidhaaminaya liiska fure-sireedyada loogu isticmaalka badnaa sannadkan.