Home / Cayaaro / Gaarigii Ronaldo ee joogay $2M oo doolar oo shil ku burburay

Gaarigii Ronaldo ee joogay $2M oo doolar oo shil ku burburay

Himilo – Gaari uu lahaa Cristiano Ronaldo ayaa waxaa uu shil ku galay Sa Coma ee dalka Spain halkaas oo isaga, saaxiibtiis iyo 5 Carruur ah oo uu dhalay ay dalxiis u joogaan.

Gaariga ka burburay Ronaldo ayaa waxaa uu ahaaBugatti Veyron, kaas oo qiimihiisu dhan yahay $2Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Wadaha gaariga ayaan waxba gaarin hayeeshee waxaa burburay gaariga qaaliga ah ee u Ronaldo halkaas u geystay in uu kula dalxiiso qoyskiisa.

Booliska Spain ayaa tagay goobta uu shilka ka dhacay mana aysan sheegin sababta shaqaalaha Ronaldo ku kallifay shilkaas isaga oo Gaariga ku dhuftay darbi weyn oo sababay burburka Gaariga.

14kii Bishan ayuu dalxiis u tagay halkaas,waxaa kale oo uu halkaas geystay gaari kale oo Mercedes ah kaas oo uu adeegsanayo maalmaha uga dhiman fasaxa uu halkaas ku joogo.

Ronaldo iyo Saaxiibtiis Georgina Rodriguez, ayaa dalxiiskii ugu horreeyay u soo baxay kaddib markii bartamihii April ay Mataano dhashay oo uu mid ka mid ah geeriyooday.

Ilaa afar maalmood oo kale ayaa la sheegay in ay sii joogi doonaan jaziiradda Sa Coma ee Waddanka Spain halkaas oo uu xagaagan u doortay in ay noqoto goobta uu ku dalxiisayo.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan