Home / Habka-Nolosha / Gabar 12 jir ah oo ka qalin jabisay Jaamacad ku taalla Florida

Gabar 12 jir ah oo ka qalin jabisay Jaamacad ku taalla Florida

Himilo – Gabar 12 jir ah oo waxbarashada dugsiga sare uga baxday da’da 9 jirka ayaa noqotay ardaygii ugu da’da yaraa ee ka qalin-beddesha koleejka Broward taariikhda iskuulkaas markii ugu horreysay muddo 61 sanno ah.

Sawsan Ahmed oo ku nool Weston gobalka Florida ee dalka Mareykanka ayaa baratay culuumta seyniska.

Da’yartan ayaa kasii wadan doonta tacliinta Jaamacadda Florida halkaas oo ay qorsheynayso inay ka dhigato culuumta seyniska iyo tiknoloojiyadda.

Sawsan iyo qoyskeeda ayaa aqbalaadda ay ka heleen Jaamacadda Florida ay ugu timid si lama filaan ah. Aabaheed Wesam Ahmed oo ah dhaqtar ka howlgala Abu DUBAI ayaa mar un naawilaya inuu arko inantiisa oo mar un kala dhinac shaqeysa badbaadinta nolosha aadanaha iyo daryeelka bukaannada.

Iyaduna waxay qorshe weyn ka leedahay mustaqbalka. Marka ay dhameyso degree jaamacaddana waxay rejayaysaa inay diyaariso marqaatiga caafimaadka dadweynaha.

Toogo xidigaha hana dhayalsan kartidaada ayay isku waanisay. Waana dabcan aragtidaas midda halkan ay kusoo hiigsatay.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. 2000 OV10 NR 1995 Phase 3 E RT switch ic Cisplatin weekly paclitaxel Did not meet primary endpoint of PFS topical propecia N Engl J Med, 2014

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan