Home / Arrimaha Bulshada / Gabar 7 jir ah oo Aabaheed dacweysay markii uu u dhisi waayay suuli

Gabar 7 jir ah oo Aabaheed dacweysay markii uu u dhisi waayay suuli

Himilo FM – Dalka Hindiya, gabar yar ayaa Aabaheed ka dacweysay booliiska markii uu ka soo bixi waayay ballan uu ka qaaday oo ahayd inuu u dhisayo musqul ama suuli.

Xaniifa Saara ayaa u sheegtay booliiska in Aabaheed uu khiyaanay islamarkaana la soo xero. Waxay tilmaamtay gabadha oo 7 jir ah inay dullinimo ku dareento inay ku saxarooto bannaanka.

Dad badan oo Hindiya u dhashay ayaan heysan musqulo, waxaana 500 milyan oo dadka dalkaasi kamid ah ay ku xaajo gutaan bannaanada siday shaacisay hay’adda UNICEF.

Xaniifa oo la nool waalidiinta oo deggan magaalada Ambur ee dhacda gobalka Tamil Nadu ayaa ka cabanaysa in gurigeeda uusan laheyn suuli.

Waxay warbaahinta u sheegtay in deriskeeda leeyihiin musqulo, sidaa darteed ay Aabaheed u sheegtay inuu u dhiso suuli.

“ Waan ka yaxyaxaa inaan bannaanka aado, waxaan dareemaa xummaan markay dadka i soo fiirinayaan,” ayay tiri gabadha yar ee Aabaheed dacweysay.

Warqad ay qortay ayay ku sheegtay gabadha in Aabaheed uu u ballan qaaday inuu musqul u dhisayo haddii ay ugu sarro marto ardayda fasalkeeda.

Waxay booliiska ka codsatay gabadhan in haddii aysan xeri karin Aabaheed lagu qasbo ugu yaraan inuu shaaciyo xilliga uu suuliga u dhisayo.

Aabaha gabadha oo la yiraahdo Ehsanullah ayaa tilmaamay inuu horay u billaabay dhismaha suuliga balse uusan heysan lacag uu ku dhammeystiro, immikana uu shaqo la’aan yahay.

Waxaa kale oo uu sheegay inuu Xaniifa ka codsaday inay wakhti ku filan siiso balse aysan taasi dhicin.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan