Muqdisho – Boolis ayaa ku dhawaaqay inaysan abaal-marin doonin gabar lagu heysto inay qeyb ka aheyd toorreynta wiil la dhigta iskuulka – waayo waxaa dhalay ma’suul diblomaasi ah.
Bileyska Washington D.C. ayaa sheegay in falkani uu soo shaac-baxay maalintii Talaadada kadib markii looga yeeray dugsiga British International School of Washington oo laga sheegay inay ka dhacday tooreynta.
Saraakiisha booliska oo goobta yimid ayaa helay wiil 13-jir ah oo la dhiban toorrey looga dhuftay garabka.
Gabadha 12-jirka ah ayaa mindi u adeegsatay inay ku dhaawacdo. Gabadha ayaa lagu wareejiyay booliska, hayeeshe durbadiiba waa lasii daayay markii ay sheegtay heybta aabaheeda diblomaasiga ah.
Boolisku maxiri karaan diblomaasi ama qof reerkiisa katirsan.
Waxaa sidoo kale laga reebaa in dacwad lagu oogo haddii ay galabsadaan dil.
Wiilka waxaa loola cararay isbitaalka National Medical Center qeybta carruurta halkaas oo si wanaagsan loogu dabiibay.
Afhayeen u hadlay safaaradda Jarmalka ayaa bilaabay baaritaan kaddib markii ay ogaadeen in gabadhani uu leeyahay diblomaasi Jarmal ah.