Himilo – Toddobaatan sanno kaddib Rene Nera wuxuu markii ugu horreysay iska diiwaan geliyay kulliyad, 88 jirkan ayaa ugu dambeyntii helay shahaadadiisa bishaan, iyadoo ay weheliso inantiisa 23-jirka ah (Melani Sellars).
Melanie waxa ay shahaadada koowaad ee jaamacadda ku qaadatay isgaarsiinta isla wakhtigaasna uu awoowgeed qaatay dhaqaalaha, Melanie safarkeeda kulliyadda waxa uu soo bilawday sannadkii 2016, halka socdaalka awoowgeedna uu soo biloowday waqti dheer balse waayuhu aysan u suuragelin ka miro dhalinteeda waqti hore.
“Awoowgay wuxuu ku howlanaa sidii uu ku heli lahaa shahaadada koowaad ee jaamacadda tan iyo 1950-meeyadii, ee qarnigii la soo dhaafay, taasi waxay aheyd riyooyinkiisii nolosha, balse jaceyl ayaa galay, wuuna guursaday, sidaa ayuuna qoys ku aasaastay, sidaa darteed wuu awoodi waayay inuu sii wato waxbarashada ” Melanie ayaa u sheegtay warbaahinta Mareykanka.
(Nira) waxa uu bilaabay in uu qaato koorsooyin jaamacadeed waqti ka waqti bilowgii hore ee qarnigan, laakiin mudnaan uma laheyn isaga, waayo waa aabbe shan carruur ah leh, u dhaqdhaqaaqa bulshada iyo shaqaale bangi maxali ah.
Kaddib markii Melanie dhammaysay dugsiga sare, waxay ku dhiirigelisay awowgeed inuu iska diiwaan geliyo Jaamacadda Texas, waxayna ka wada shaqeeyeen inay si isku mar ah wada qaataan shahaadada jaamacadda. Si wadajir ah ayayna jaamacadda u wada aadi jireen si ay waxbarashadooda uga guul daaraan.