Muqdisho – Qoys Shiinaha ku nool ayaa la uurxun nin afadiisa daldoorsaday kadib markii ay la xaraarugtay xanuun kaga yimid ilma-xaaqis ay isku samaysay muddo afar jeer ah.
Haweeneyda oo ku noolayd gobalka Anhui, Shiinaha ayaa dhawaantan geeriyootay kadib markii ay iska soo riday afar ilmood sanad gudihiis – dadaal quus taagnaa oo ay ku doonaysay inay seygeeda ugu dhasho wiil.
Afar sano kahor, haweeneyda ayaa dhashay gabar. Sanadkii hore ayay lamaanuhu go’aansadeen inay cunug kale dhalaan. Hayeeshe seyga ayaa ku adkeystay inuu rabo dhal wiil ama lab.
Si kastaba, mar kasta oo ay noqoto xaamilo, waxaa loo sheegay inay sido dhal dhedig ama gabar. Seygeeda ayaana durbadaas ku cadaadinayay inay iska soo rido canuga. Markii afaraad, haweeneyda ayaa la xanuunsatay ilmo xaaqistii lagu sameeyey.
Markii ay aad u xaraarugtay, seyga ayaa go’aansaday inuu furo. Haweeneyda ayaa ka heshay adduun dhan 170,000 yuan ($25,000) furriinka seygeeda. Waxayna lacagta u adeegsatay dawada ku baxaysa, baan iyo baxnaano kale.
Si walbaba, dhaqaatiirta ayaa awoodi waayay inay badbaadiyaan qudheeda. Muddadii ay ku jirtay isbitaalka, seygeedii furay wuxuu tumasho iyo tamashlayn kula qaadanayay magaalada saaxiibadiisa – lab iyo dhedigba.
Geerideeda kadib, reerka gabadha ayaa gurigiisa u qaaday danbasta meydkeeda la gubay. Waxayna dalbadeen inuu heysto maadaama ay ku eedeeyeen inuu sabab u ahaa dhimashadeeda.
Si kastaba, wuxuu isku qariyay guryaha jaarka mid kamid ah kahor intaysan iskaga tagin aqalkiisa.
Haweeneyda ayaa ilmaha uurkeeda ku jira ku daalacatay qalabka baarista ee ultrasound exams kaas oo mamnuuc kaga ah gudaha Shiinaha xaaladahan oo kale in loo adeegsado.
Dowladda Shiinaha ayaa sanadkii 1980-kii laashay sharcigan diidaya inaan la daalacan karin ilmaha uurka jiifa si aan la iskaga soo xaaqin haddii aan la rabin.
Si walbaba, dhaqankani wuxuu wali si sharci-darro ah kaga jiraa meelo badan dalka kamid ah. Toddobaadkii hore, laba walaalo ah oo xarun dahsoon oo uurku-jirta lagu ogaado ku leh aqalkooda ayaa xabsiga loo taxaabay.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.