Home / Uncategorized / Gabar wadnaheeda uu istaagsanaa muddo 6 maalin ah oo la badbaadiyay!

Gabar wadnaheeda uu istaagsanaa muddo 6 maalin ah oo la badbaadiyay!

Himilo – Xaalad caafimaad tii ugu horreysay oo mar la arag ah ayaa lagu tilmaamay markii ay badbaaday gabar 10 jir ah oo wadnaheeda uusan shaqeyn muddo lix maalin ah magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha.

Sida laga soo xigtay mareegta AsiaOne, gabadha yar ayaa la dhigay isbitaal dabayaaqadii bishii hore iyadoo ka cabanaysa matag iyo ciriiri xagga neefsiga ah. Waxaa intaa u dheeraa qandho iyo xannuun dhinaca xabadka ah.

Baaritaanka caafimaad ee la marsiiyay ayaa muujiyay inay ka sheeganayso xannuun darran oo wadnaha ah. Waxaa la dhigay qeybta deg degga ah ee isbitaalka.

Dhaqaatiirta ayaa bilaabay inay la tacaalaan gabadha iyadoo loo yeeray khubaro ku gaaroobay wadnaha oo sheegay in gabadha lagu badbaadin karo keliya in lagu beero wadno cusub.

Waxaa la helay wadno uu qof ku tabarucay iyadoo qaliin loogu sameeyay muddo seddex saacadood gudaheed ah.

Nasiib wanaag, waa lagu guuleystay qaliinka, waxayna xaaladda noqotay tii ugu horreysay ee nuuceeda ah marka laga hadlayo diiwaanka caafimaadka caalamka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan