Home / Macluumaad / Gabdho 28-sano kadib waalidkooda la midoobay

Gabdho 28-sano kadib waalidkooda la midoobay

Muqdisho – Hooyo iyo labadeeda gabdhood oo weynaaday ayaa isla ilmeeyay markii ay nolosha ku midoobeen 28 sanadood kadib markii ay kala irdhoobeen.

Nasiib-darro, gabdhuhu ma awoodin inay arkaan aabahood maadaama uu mar hore geeriyooday.

Hooyada oo 72s sano jirta laguna magacaabo Chen Jiaxiang ayaa isku nabtay gabdhaheeda markii ay habeysay iyada oo sheegtay inaysan abid ku riyoon inay dib nolosha kula kulmi doonto gabdhaheeda.

Gabadheeda weyn oo jirta 47 sano laguna magacaabo Ruixiu Huang ayaa sheegtay in iyada iyo walaasheed, oo 42-jir ah, laguna magacaabo Ruixiang Huang uu af-duubtay ina adeerkood sanadkii 1988-kii.

Ina adeerka ayaa kadibna kala fogeeyey gabdhaha wuxuuna ka kala iibsaday qoysas ku kala nool magaalooyinka Shiinaha.

Gabdhaha ayaa loo bixiyay magacyo kale. Ruixiu Huang waxaa loo bixiyay Li Fengyi iyada oo walaasheed Ruixiang Huang loo bixiyay Huang Shunxiang.

Ruixiu ayaa baadi-goobtay hooyadeed iyo walaasheed ugu danbeyntiina way ku guuleysatay iyada oo kaashaneysa waaxda amniga dadweynaha iyo samafalayaal katirsan mareegta kooxda la dagaalanta dad-ka-ganacsiga.

Saddaxdooda ayaa midoobay kadib markii ay mareen tijaabada DNA-ga oo heybtooda isku keentay.

Booliska ayaa hadda baaritaan ku wada ina adeerka gabdhahan ee falkan ku kala fogeeyey qoyska si uu lacag uga helo.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan