Home / Macluumaad / Gabdho laga la’aa muddo 30 sano ah dalka Kanada oo laga helay Maraykanka

Gabdho laga la’aa muddo 30 sano ah dalka Kanada oo laga helay Maraykanka

Muqdisho – Booliska Kanada ayaa ku dhawaaqay inay ku faraxsan yihiin inay awoodeen xirista kiis ragaaday oo ku saabsanaa laba gabdhood oo walaalo ah oo la la’aa in ku dhow 30 sano oo la helay.

Gabdhahan walaalaha ah oo lagu kala magacaabo Anna, oo jirta 67 iyo Kym Hakze, oo jirta 53 ayaa markii ugu danbeysay ee qoyskoodu arkaan ay aheyd sanadkii 1981.

Si kastaba, hooyadood ayaa kaliya sanadkii 2003 waxay booliska ku war-gelisay inay ka maqan yihiin laba gabdhood.

Muddo sanado ahba, booliska ayaa siyaalo kala duwan ugu jiray baadigoobka labadan gabdhood ee walaalaha ah, hayeeshe kuma guuleysan helidda wacaalkooda.

Afar sano kahor, hooyada ayaa dhimatay iyada oo aan wali ogeyn waxa ku dhacay labadeeda gabdhood.

Dhawaanahan, markii lagu howlanaa adeegsiga sirdoonka gudaha iyo dhageysiga wicitaannada lala xiririn karo xigtadooda, xog-hele ayaa ugu danbeyn booliska u sheegay halkay ku sugan yihiin labada gabdhood.

Kym waxay booliska u sheegtay in iyada iyo walaasheed Anna aysan ogeyn in kiisaska dadka la waayay oo la raadinayo ay ku jiraan. Mise faahfaahin xoga kale oo ku saabsan noloshii ay ku jireen.

Si kastaba, booliska ayaa sheegay in labada gabdhood ay badasheen magacyadooda oo ay ka guureen Kanada.

Hadda labadooda waxay ku sugan yihiin xaalad caafimaad, walaalkood oo lagu magacaabo Ken wuxuu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in dib ula midoobo.

Isha: radiohimilo.so

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan