Home / Cayaaro / Gabriel Jesus “Waan u baahnaa inaan gool ka dhaliyo kooxda Everton”

Gabriel Jesus “Waan u baahnaa inaan gool ka dhaliyo kooxda Everton”

Himilo FM – Gabriel Jesus ayaa qirtay in uu u baahan yahay goolasha uu ka dhaliyay Everton in ay ka caawisay in uu soo afjaro abaarta goolal la’aanta ah, waxaana uu dab qabadsiiyay kooxda Everton kulankii sabtida ee ay guuleysteen Manchester City.

21 jirkan ayaa labbo jeer shabaqa soo taabtay markii kooxdiisa ay 3-1 kaga badisay Etihad, iyadoo goolkiisii furitaanka uu ahaa goolkiisii ugu horreeyay ee Premier League tan iyo bishii August.

Jesus ayaa ku adkeystay in uu qeybtii hore ee xilli ciyaareedkan uu ku guuldareystay kaddib markii uu si niyad jab ah ugu soo laabtay  Koobkii Adduunka, waxaana uu qirtay inuu u baahnaa in uu gool ka dhaliyo naadiga Everton.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay arrintan sababta oo ah waxaan u maleynayaa in aan u baahanahay,” ayuu yiri Jesus.

Goolasha uu ka dhaliyay Everton ayaa ka caawiyay City inay kusoo laabato hoggaanka horyaalka Plka kaddib guuldaradii ugu horreysay ee horyaalka xilli ciyaareedkan taasi oo kasoo gaartay Chelsea, waxaana uu rumeysan yahay in ay si dhaqso ah u heleen dib usoo laabasho.

“Hadda waa waqtigii aan ku soo laabanay dareenka wanaagsan aan ku ciyaareyno oo aan ku guuleysaneyno.”

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan