Home / Habka-Nolosha / Gamze Arslan: Caawiyaha ardayda aanan heysan Internet-ka

Gamze Arslan: Caawiyaha ardayda aanan heysan Internet-ka

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Waxey si maalinle ah u booqataa guryaha ku yaala degmada Tuşba ee gobolka Van ee barigga Turkiga, si ay u caawiso ardayda aanan heli karin adeegga Internet-ka.

Waxaa ku xiran 18-arday oo ay mid waliba ku booqato gurigiisa si ay u siiso xiisado, iyada oo illaalineysa hanaanka kala fogaanshaha bulshada ee la dagaalanka Feyruska Corona.

Banaanka guryaha ay ku nool yihiin ardayda ayey ka dhigataa Fasal ku meel gaar ah, waxaana halkaasi ay ku xirataa Sabuurad nooca fudud  ee la qaadi karo ah.

Marka laga soo tago bixinta xiisadaha, Macalin Arslan waxey ardayda ku caawisaa buugaagta qoraalka iyo kuwa cashirada laga dhigto oo ay wehliso cuno fudud, taas oo ay qaataan waqtiyada u dhaxeeya xiisadaha.

“Waxbarashada fogaan aragga waa mid wanaagsan, ardayda aanan heli karin Internet-ka ayeyse ku adag tahay” ayey u sheegtay Arslan Wakaaladda Wararka Anadolu Agency.

Waxey sii raacisay inay ku faraxsan tahay inay dib ula midowdo ardaydeeda, si wadajir ahana ula dagaalamaan baabi’inta caqabadda jirta.

Waalidiinta dhalay Ardayda ayaa ammaanay dadaalka macalin Arslan oo ay u arkaan inuu kusoo beegmay xilli ay baahi wayn u qabeen caruurtooda.

Muş ­­­­­­­­­­­­­­­­­– gobol kale oo ku yaala dalka Turkiga ­­­­­­­­­­­­­­­­­–, koox macalimiin samafalayaal ah ayaa booqasho ku gaara ardayda ku nool dhulka joogga sare leh ee gobolkaasi, halkaas oo uusan ka jirin adeeg Internet.

Markii ay billawday dowladda Turkiga waxbarashada fogaan aragga ayaa waxaa soo if baxay caqabadda ah in ardaydu wada heli karin Internet, taas oo sababtay inay kadib dhacaan fasalladoodii.

Gamza Arslan oo macalin ka ahayd degmada Tuşba saddexdii sano ee lasoo dhaafay iyo barayaal kale ayaase isku dayaya in caqabadaasi meesha laga saaro.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan