Home / Dhaqaale / Ganacsade iibsaday dhismaha bankigii u diiday deynta

Ganacsade iibsaday dhismaha bankigii u diiday deynta

Himilo – Waxa uu ahaa 21-jir, ganacsade Adam Deering oo ku nool magaalada Urmston ee dalka Ingiriiska, markii ay ballameen maamule banki, si uu uga dhaadhiciyo qorshihiisa ganacsi, koonto uga sameeyo, amaahna siiyo.

“Kahor inta aanan tagin bankiga waxaan ka welwelayay in riyadeydu ay ii rumoobi doonto iyo in kale maadaama aanan xilligaasi heysan wax lacag ah” ayuu Adam u sheegay mareegta entrepreneur.

Nasiib darro, markii uu la kulmay maamulaha bankiga una bandhigayay qorshihiisa waa ay diiday in wax deyn ah la siiyo, iyada oo ku andacooneysa inuu da’ yar yahay khibrad ganacsina uusan lahayn.

Waxa uu dib u laabtay isaga oo welwelsan murugana dareemaya, waxaase xaaladda sii adkeeyay isaga oo aanan sameysan qorshe labaad si uu ugu dhaqaaqo haddii kan koowaad ka fashilmo.

Waxa uu sameeyay isku day kale oo guuleystay. Hadda ku dhawaad labaatan sano kaddib waxa uu iibsaday dhismihii uu deganaa bankiga amaahda u diiday, isaga oo rumeysan in aargudsigu macaan yahay.

Sida ay daabacday mareegta ladbible, 39-jirkan waxa uu hadda maamule ka yahay shan xarumo ganacsi oo qaarkood bixiya deyn.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan