Home / Habka-Nolosha / Gantaalaha Afgooye oo kiintaal goolal ah u beegay Al Beder

Gantaalaha Afgooye oo kiintaal goolal ah u beegay Al Beder

Kooxaha kubadda cagta Gantaalaha Afgooye iyo Al Beder ayaa kulan cayaareed xiisahiisa watay ku wada cayaaray bugcadda Banaadir.

Daqiiqaddii toddobaad ee cayaartaba Gantaalaha Afgooye goolka koowaad waxaa u dhaliyay wiilka u xirta lanbarka 15aad Aadan Abuukar Hilowle.

Cali C/qaadir Maxamed ayaa labo gool israacsaday daqiiqadihii18aad iyo 23aad si kooxda G.Afgooye ay hogaanka 3-0 ugu qabato.

Daqiiqaddii 36aad Al Beder ayaa gool soo ceshatay, waxaana shabaqa u dhex dhigay Mahdi Axmed Colaad.

Qeybtii labaad ee cayaarta markii la isku soo laabtay Cali Cabdiqaadir ayaa saddexleydiisa dhameystiray daqiiqaddii 68aad, inta aanu labo daqiiqo kaddib Xuseen Abuukar cayaarta ka dhigin 5-1.

Sakariye Suleymaan ayaase daqiiqaddii 74aad Al Beder goolkoodii labaad u soo celiyay.

Kulan cayaareedka ayaana kusoo dhamaaday 5-2 oo guushu ay ku raacday kooxda G/Afgooye.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan