Himilo – Gareth Bale ayaa u baahan dib ugu laabashada Real Madrid xagaaga soo aadan waana haddii uu kooxda ka tego tabababre Zinedine Zidane.
Todobo sanno oo uu naadiga Real Madrid la joogay, laacibka qaranka Weles waxa uu ka saaciday kooxda koobab badan oo ay kamid yihiin horyaalka La Liga, Copa del Rey iyo UEFA Champions League.
Balse markii dib loo shaqaaleysiiyay tababare Zinedine Zidane ololihii 2018-19, xiddigan waxa uu galay waayo mugdi ah, isaga oo xagaagii 2019-20 keliya saftay 16 kulan, wuxuuna ahaa fasalkii ugu danbeeyay oo uu kooxda la qaato.
Tottenham Hotspur marna kama qarsana in Gareth Bale si joogta ah ula saxiixan karaan dhammaadka amaahda uu kooxdooda ku qaadanayo, laakiin laacibka garabka ka ciyaara ayaa haya fikir midkaa ka geddisan oo ah, in uu doonayo ku laabashada Los Blancos haddii uu shaqada Real Madrid ka tego tababare Zinedine Zidane.