Home / Cayaaro / Gareth Bale oo iska xaadiriyay Mareykanka, kooxdee ayuu ku biiray

Gareth Bale oo iska xaadiriyay Mareykanka, kooxdee ayuu ku biiray

Himilo – Weeraryahankii Kooxda Real Madrid Gareth Bale, ayaa iska xaadiriyay waddanka Mareykanka kaddib markii uu isaga tagay kooxda lagu naaneyso cad cadka ee sanadkan ku guuleysatay Champions League iyo Laliga Spain.

Bale ayaa muddo dhowr sano ah oo uu u ciyaarayay Real Madrid ayaa ka mid noqday xiddigaha Europe ku daalay ee u wareegsaday Waddanka Mareykanka horyaalkiisa MLS.

Kooxda kubadda Cagta ee Los Angeles FC, kana ciyaarta horyaalka MLS ka waddanka Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay ku guuleysatay saxiixa Bale oo ka mid ahaa xiddigaha ugu saameynta badnaa Real Madrid sanadihii la soo dhaafay.

Waxaa uu kooxda ugu biiray heshiis 12 bilood ah iyada oo uu u furanyahay ilaa 2024ka in uu heshiiska kordhin karo,waxaana ay kooxda xaqiijisay in dhamaadka Koobka dduunka  kaddib uu saxiixi doono heshiiska islamarkaana hadda ay is afgarad gaareen.

Waxaa ay soo bandhigtay Kooxdu heshiiska cusub ee uu ugu biiray horyaalka MLS ka waddanka Mareykanka.

Inta badan xiddigaha ka ciyaaraha Qaaradda Europe ayaa marka ay da’doodu dhaafto 30 jirka waxaa ay ka  wareegaan Qaaradda Europe iyaga oo u diga rogta MLSka waddanka Mareykanka halkaas oo aysan da’da ciyaaryahanka xaddidneyn.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan