Home / Cayaaro / Garsooraha Michael Oliver oo magacaabay ciyaaryahankii ugu xumaa ee uu la kulmo

Garsooraha Michael Oliver oo magacaabay ciyaaryahankii ugu xumaa ee uu la kulmo

Himilo – Garsooraha Premier League Michael Oliver ayaa u magacaabay weeraryahankii hore ee Liverpool iyo Newcastle Craig Bellamy inuu yahay ciyaaryahankii ugu xumaa ee uu la kulmo xirfadiisa oo dhan.

Oliver waxa uu garsoore ka ahaa in ka badan 20 sano tan iyo markii uu aabbihii, Clive, oo sidoo kale ahaa garsoore ciyaarta ku dhiirigeliyay inuu xirfadda galo.

Hadda Oliver waa 36 jir, waxaana lagu doodi karaa inuu yahay masuulka ugu sarreeya Premier League, waxaana uu soo maamulay qaar ka mid ah kulamadii ugu waaweynaa ee kubadda cagta.

Oliver waxa uu u furay la macaamilka ciyaartoyda adag mar uu wareysi siinayay The Athletic; halkaas oo uu qirtay in Bellamy, gaar ahaan, ay ahayd “riyo xun”.

 “Craig Bellamy waxa uu ahaa mid aad u adag,” ayuu yidhi Oliver markii la waydiiyay ciyaartoydii ugu xumayd ee uu la kulmay.

“Waxa aad aragto ayaa ah in kooxaha qaar ay adag yihiin, kooxaha aan ku guuleysan bilawga – taasi waa isku mid heer kasta – iyo kooxaha aan horay u baran inay guuldaraystaan, heerka niyad-jabka ayaa ka sarreeya iyaga.

“Laakin hal ciyaaryahan, waxay noqon laheyd Bellamy. Waxaan daawanayay labo ama seddex sano – waxaan ahay taageere Newcastle, waxaadna ka dooneysay kooxdaada sababtoo ah wuxuu ahaa guuleyste. Laakin wuxuu ahaa riyo garsoore sababtoo ah wax walba wuu ka doodi jiray. Haddii aad u sheegto inay madow tahay, wuxuu kuu sheegi inay caddahay.

Bellamy, oo sidoo kale soo maray Manchester City iyo Cardiff City, Waxa uu ku caan baxay waqtigiisii horyaalka Premier League in uu faro ku tiris ku ahaa garsoorayaasha ciyaaraha,waxana uu inta badan ku dhex jiray arrimaha garoonka dhexdiisa..

Oliver ma ahan garsoorihii ugu horreeyay ee Bellamy ku eedeeya inuu yahay Qofka ay aad u adagtahay in wax laga qabto ama la xakameeyo.

Garsoorihii hore ee Mark Clattenburg ayaa sidoo kale magacaabay xiddiga reer Wales markii uu ka hadlayay ciyaartoyda riyo cabsi leh ama aan fiicnayn.

Isagoo la hadlayay talkSPORT sanadkii hore ayuu Clattenburg yiri: “Xitaa haddii uu qaldanaa, wuu saxnaa.

“Waxaan u maleynayaa inaan lug qaldan la galay isaga, sababtoo ah waxaan xusuustaa inuu joogay Manchester City, waxaan ahaa sidaas oo kale garsoore.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan