Home / Habka-Nolosha / Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dalka ka anbabaxay si ay cayaaro caalami ah u soo dhexdhexaadiyaan

Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dalka ka anbabaxay si ay cayaaro caalami ah u soo dhexdhexaadiyaan

Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa ka ambabaxay garsoorayaal Soomaaliyeed oo gaaray gegada Joma Kenyata ee magaaladda Nairobi.

Garsoorayaasha ayaa kusii jeeda magaaladda Khartoum ee xarunta dalka Sudan, halkaa oo ay ku soo dhexdhexaadin doonaan cayaar.

Afarta garsoore ee dalka ka anbabaxay maanta ayaa ah Xasan Maxamed Xaaji, Aweys Cabdullahi Sheikh, Axmed Cabdullahi Faarax Baroodo iyo Bashiir Colaad Carab.

Garsoorayaasha ayaana dhexdhexaadin doona cayaar Caf ka tirsan oo dhexmari doonta xulalka Sudan iyo Jabuuti.

Garsoore Xasan Maxamed Xaaji ayaa dhexda cayaartaa qaban doona, halka calanka koowaad uu yahay Aweys Cabdullaahi, Calanka labaad waa Axmed Baroodo iyadoo sarkaalka afaraad uu noqonayo Bashiir Colaad carab.

Cayaarta Garsoorayaasha Soomaaliyeed ay dhexdhexaadin doonaan ayaa soo geli doonta habeenka Axadda saacadda geeska Afrika marka ay tahay 10:00pm fiidnimo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan