Garsoore ilaa xog-haye – Nolasha Xasan Fareey

Muqdisho – Hassan Mohamed Mohamud oo ku magac dheer Xasan Fareey,waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho,gaar ahaan degmada Boondheere,01-October-1957,waa mid ka mid ah shaqsiyaadka aadka loogu qadariyo Sportiga dalka gaar ahaan kubadda cagta,waxa uu ciyaaraha kusoo galay heer cayaaryahan isaga oo ugu danbeyn u wareegay dhanka garsoorka oo uu gaaray heer caalami.

Heerka waxbasrahada

Xasan Fareey waxa uu yaraantiisii ahaa qof aad u jecel waxbarashada, isaga oo gaaray ilaa iyo heerka 1aad ee jaamacadda, waxa uu kabaxay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta Lafoole.

1966 – 1971 waxa uu Xasan dhiganayey dugsiga hoose ee iskuulka,isaga oo halkaas kaga baxay iskuulkii Boondheere ee ku yiilay degmada Boondheere.

1971 – 1974 Xasan Fareey waxa uu dugisa dhexe kaga  baxay iskuulkii Xamar.Intii u dhaxeysay 1974 – 1978, Fareey ayaa heerka ugu danbeeya ee iskuulka waxa uu ku dhameeyay Aqoon-Darsan School.

1982 – 1985  Xasan Fareey ayaa ugu danbeyn darajada koowaad ee heerka jaamacadda waxa uu kaga dhameystay Jaamacadda Umadda,qeybta  Lafoole,isaga oo bartay Physical fitness ama dhismaha jirka.

Heerka cayaaraha

Xasan waxa uu ahaa mid aad u jecel in uu wax badan kasoo muuqdo una safto kooxaha xilligaasi ciyaari jirey iyo xulka qaranka,Xasan waxa uu cayaaraha kusoo galay heer degmo, isaga oo u saftay degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.Fareey uma suura gelin in uu heer wanaagsan ka gaaro,Bandhiggiisa ugu wanaagsan ee cayaaraha ayaa ah in uu keliya kasoo muuqday kulamada degmooyinka G.Banaadir.

Garsoorka

Kulankii ugu horeeyay oo gudaha waxa uu dhexdhexaadiyey kooxaha Batroolka iyo Municia, halka ciyaartii ugu xasuusta badneyd ay aheyd kulan dhex marey kooxaha Horseed iyo Jeenyo,ciyaar ay 1 -0 ku guuleysatay Horseed.

Markii ugu horeysay oo uu dibadda garsoore kasoo noqday waxay aheyd 1989,kulan ka tirsan koobka kooxaha xiriirka CAF, una dhaxeysay – Ismailia Vs Bagbag ee waddanka Za’iir,Xasan ayaa ciyaartaasi ka ahaa caawiyaha labaad ee kulanka.Fareey waxa uu garsoore heer caalami ahaa intii u dhaxeysay 1989-2002.

Kulamadii ugu waa weynaa ee uu Xasan dhexdhexaadiyo waxaa kamid ah ciyaar katirsan tartanka CAF 24th Cup of Nations kaasi oo dhacay 06/09/02,wuxuuna dhex maray dalalka Uganda Vs Ghana.

Xilalka uu soo gabtay Xasan Fareey.

1988– 1990 Xoghayaha fulinta Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

1991 – 1997 kuxigeenka xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

1997:Xoghayaha fulinta Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed

2004 – 2005 kuxigeenka xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed

2014 Xoghayaha xiriirka kubadda cagta Soomaaaliyeed.

2016 – 2017  Waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Caf qeybta dhalinyarada koobka qaramada qaaradda Africa oo ay da’dooda ka hooseyso 17 jirada.

2018 – 2020  Waa xubin ka tirsan Guddiga Caf qeybta dhalinyarada koobka qaramada qaaradda Africa oo ay da’dooda ka hooseyso 17 ,20,iyo 23 jirada.

Qore: Mohamed Hassan Mohamed

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan