Home / Macluumaad / Geedka ugu dheer adduunka.

Geedka ugu dheer adduunka.

Muqdisho – Taniyo sanadkii 2006, geedka ogaal ahaan ugu dheer adduunka waa California redwood laguna naanayso Stratosphere Giant’. Balse cilmi-baaris iyo daba-gal dheer kaddib, Hyperion ayaa la ogaaday inuu 10ft ka dheer yahay Giant. Taas waa natiijada usoo baxday koox uu hoggaamiyay Steve Sillett oo marr kusoo laabtay geedkan si uu u hubsado dherernimadiisa. Dadaal dheer kadib, waxay rasmi ugu dhawaaqeen inuu yahay kan ugu dheer geedweynaha adduunka.

Cimriga geedka wali wuxuu ku jiraa kobac. Steve Silletti ayay la tahay in geedkani jiro 600 oo sano. Sida lagu rajaweyn yahay wuxuu sii noolaan donaa gu’yaal badan.

Barta rasmiga ah ee uu ku yaallo lama xusin, waxaana loo ilaaliyay in dalxiisayaal jidbaysan ay ku dhiirradaan fuulistiisa ama inay si kale u wax-yeelaan.

Sida uu Sillett u dhigay oraahdiisa; “Geeduhu malaha cago ay kaga baxsadaan footagaraafiistayaasha.” Taariikhduna waxay na bartay walxaha xun ee asiiba geedaha ay noqdaan kuwa caan baxa.

Halkan ka daawo muuqaalka: https://www.youtube.com/watch?v=sIoZ0J7x1Cg.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan