Home / Macluumaad / Maxaa lagu xasuusan doonaa Abwaan Hadraawi ?

Maxaa lagu xasuusan doonaa Abwaan Hadraawi ?

Himilo – Alle ha u naxariistee abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame oo ku magac dheeraa Hadraawi ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu ku xanuunsanaa sida ay warbaahinta u xaqiiqijeen  qaar ka mid ah ehelka marxuumka.

Abwaan Hadraawi wuxuu lahaa sooyaal dheer oo suugaaneed. Hal abuurkiisa wuxuu wada gaaray dhulka Soomaalida. Wuxuu caan ku ahaa curinta heesaha iyo gabayada.  Wuxuu bulshada Soomaaliyeed uga tagay suugaan dhaxal gal ah.

Gabayada ugu caansan ee uu lahaa waxaa kamid ah: Gudgude, Daalallay, Daba huwan oo ah gabay aad u dheer kana kooban ilaa 803 tuduc ama bayt, Silsiladdi Siinlay oo uu qayb ka ahaa, iyo kuwa kale oo badan. Dhanka heesaha waxaan ka soo qaadan kartaa Jacayl Dhiig Malagu Qoray, iyo heesta hooyo.

Marka laga tago heesaha iyo gabayada uu dadkiisa wax ugu sheegay waxaa jira buugaan uu qoray oo uu ka mid yahay buugga Hawaale Warran oo uu kaga sheekeeyay waayihiisa nolosha, Soomaalida sida ay ahaayeen jireen iyo xaalka maanta.

Intii uu ku jiray halgankiisa wacyi gelinta dadweynaha wuxuu la kulmay dhibaatooyin. Xilligii dawladdii kacaanka wuxuu xabsi ku jiray 5 sano. Mudadii burburka wuxuu waday is xil qaan ah inuu shacabka ka jeediyo maalaayacniga sida qaadka.

Dadka Soomaaliyeed ee geerida abwaanka ka naxay ayaa baraha bulshada aad ugu wadaagay warka ah dhimashadiisa, waxay ka sinaayeen ducada ah inuu alle geeyo jannadiisa. Hadraawi ayaa ahaa tiir adag oo ku taagnaa fanka Soomaalida.

Abwaan Hadraawi 1943 ayuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Wuxuu ku soo barbaaray dalka Yemen, 79 sano kadib ayuu alle oofsaday isagoo weli ku jira dedaalkiisii ahaa inuu bulshadiisa tuso waddada baraaraha.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan