Home / Macluumaad / Geyfanayaal xuquuqda xayawaannada ah oo u riyaaqay fal Maroodi uu ku dilay ugaarsade.

Geyfanayaal xuquuqda xayawaannada ah oo u riyaaqay fal Maroodi uu ku dilay ugaarsade.

Muqdisho – Kooxaha u dooda xuquuqda xayawaannada ayaa aad ugu riyaaqay maqalka dhacdo maroodi uu ku dilay ugaarsade gudaha dalka Namibia.

Marka loo eego boolis goboleedka Otjozondjupa, 46-jir lagu magacaabo Jose Monzalvez kaas oo ku gaaroobay ugaarsiga kana yimid dalka Argentine wuxuu si goonni ah ku ugaarsanayay raxan maroodi ah oo ku sugan xarun duurjoog.

Monzalvez wuxuu la joogay saaxiibadiis iyo qoyskiisa markii uu isku dayay inuu toogto maroodi kusoo dhawaaday. Si kastaba, kahor intuusan awoodin inuu toogto, maroodiga ayaa ku joogsaday mar qura, wuuna geeriyooday.

Markii warbixinnada ku saabsan Monzalvez ay qabsadeen warbaahinta, kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa aad ugu riyaaqay tallaabada maroodigu ku dilay ugaarsadaha.

Bishii May ugaarsade kale ayaa dhintay kaddib markii xubin kamid ah kooxdiisa uu toogtay maroodi, wuxuuna dhintay kolkii uu ku dul habsaday, marka loo eego booliska Zimbabwe.

51-jir lagu magacaabo Theunis Botha oo Tzaneen dalka Koofur Afrika ku nool ayaa dhintay maalinta Jimcaha, xilli lagu jiray ugaarsi madadaalo.

Si kastaba, hoos u dhaca nololeed ee ku socda tirada Maroodiga caalamka waxaa ugu weyn ugaarsiga lagu wado oo joogto ka ah meelo badan oo Afrika kamid ah.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan