Home / Cayaaro / Gianluigi Buffon 26 sano ka dib ayuu ku laabanayaa kooxdiisii hore

Gianluigi Buffon 26 sano ka dib ayuu ku laabanayaa kooxdiisii hore

Himilo – Gianluigi Buffon ayaa ku dhow inuu ku laabto Parma halkaasoo uu kulankiisii ugu horreysay ee Serie A saftay 26 sano ka hor.

Sida laga soo xigtay warbixino dhowr ah oo laga helayo Talyaaniga, 43 jirkaan ayaa ku dhow inuu ku laabto kooxdiisii hore, markan Serie B.

Parma waxaa laga reebay horyaalka heerka koowaad ee Talyaaniga 2020-21, laakiin waxay hami ka leedahay inay si dhaqso leh ugu laabato Serie A.

Buffon ayaa si xor ah ugu dhaqaaqi kara Stadio Tardini madaama qandaraaskiisa Juventus uu dhacayo June 2021 mana sii dheereynayo.

Labada bog ee Sky Sport Italia iyo Sportitalia labaduba waxay soo wariyeen in xiddigii ku guuleystay Koobkii Aduunka ee 2006 uu ku dhow yahay inuu heshiis la gaaro kooxdiisii hore.

Buffon wuxuu saftay kulankiisii ugu horreeyay ee Serie A isagoo xiran funaanadda Gialloblu 26 sano ka hor.

Wuxuu ciyaaray 220 kulan isagoo Ducali la qaaday hal UEFA Cup, hal Italian Super Cup iyo hal Coppa Italia. Wuxuu ka tagay Stadio Tardini sanaddii 2001 wuxuuna ugu biiray Juventus adduun dhan € 50m. Buffon ayaa heysta rikoorka kulamada ugu badan Serie A-da isagoo ciyaaray 657 kulan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan