Home / Macluumaad / Gidaarkii wada cunid la’aanta oo dumay waddanka Hindiya.

Gidaarkii wada cunid la’aanta oo dumay waddanka Hindiya.

Muqdisho – Haweenka wadanka Hindiya oo markii ugu horreysay Qoyskooda si wada-jir ah wax ula cunaya.

Cuntada ayaa si wadajir ah loo keenay miiska qadada iyada oo dhammaan qoysku ay soo fariisteen hareeraha iyaga oo sheekeysanaya: iskuna marxabeynaya.

Laakiin, dhaqan ahaan, cunidda wada-jirka ah kameysan jirin waddanka Hindiya. Ragga iyo carruurta ayaa ugu horreyn raashiinka cuni jiray: kadibna xoolaha: markaa kadib ayay dumarku u fadhiisan jireen cunidda.

Balse, dhaqankaas malaayiin qoysaska saboolka ah ayaa kala kulmay cawaaqib aan loo baahnayn iyo macluul tira badan.

india

Si walba ha ahaatee, dadka u ol’oleeya in la cirib-tiro dhaqankan ayaa ku booriyay haweenka inay raashiinka la cunaan qoysaskooda intii ay kalinimo ku cuni lahaayeen.

Qofna magaranayo goorta, halka iyo sida uu ku bilowday, xilliga uu bilowday dhaqankan, laakin dhammaan waddanka Hindiya aad ayuu ugu faafay.

Markii aan ahaa carruurta, gurigeenna hooyadeey, ayeeyaday, eedadey iyo ina-adeertay, raashiinka way karin jireen: wey diyaarin jireen laakiin iyagu waxa ay ahaayeen dadka ugu dambeeya ee cuna.”

Midda ugu la yaabka badan, waxa ay tahay xoolaha oo dumarka kaga horreeya wax cunista.

“Gurigeyga ku yaalla Brahmin, xattaa lo’da ayaa laga hor quudiyaa dadka: marka awoowahey cunno dhamaan saxamada waxaan u geyn jirnay lo’da, markaa kadib ayaan cuni jirnay raashiinka.”

Arrintan mararka qaar waxa ay sababi jirtay qalbi-jab ka dhaca guriga: markii ay raggu kasoo daahaan cuntada waxaa qasab ah inay sugaan dumarka ilaa ay ka imaanayaan waqti dheerba haku qaadatee. Si kasta oo ay u gaajeysan yihiin, waxaa qasab ah inay sugaan.

“Qoyskeennu ma ahayn mid ka reeban sida dariskeenna ay wax u cunaan ama dhammaan dadka ku nool magaalada oo ah mid soo jireena.

Qof walba oo is weydiiya maxay arrintan u dhaceysaa, waxaa la dhahaa waa caadi, waxayna soo socotay qarniyo badan, waana dhaqan soo jireen ah.

Magaalooyinka iyo meelaha ay ka jiraan wax-barashada dhaqankaasi hadda waa uu ka tirmay hayeeshe dumarka aaminsan dhaqanka soo-jireenka wali waa dadka ugu danbeeya ee qoyska wax cuna ilaa iyo haatan, gaar ahaan kuwa ku nool baadiyaha.

Guryaha sideenna oo kale, dadku hadda caadi ayay u arkaan inay wax wada cunaan si wadajir ah, dadka saboolka ah ee ku nool baadiyaha dumarku ayaase wali gaajo ku sugan.

“Caadadani waxay u danaynaysaa ragga, mararka qaar dumarka kuma filnaato raashiinka ay soo reebaan,” sidaasi waxaa tiri Vandana Mishra oo ah gabadha laga soo xigtay sheekadan kana tirsan ‘RNP’ oo ah urur u ol’oleeya horumarinta dumarka.”

Sahan lagu sameeyay 403 oo ah haweenka degan gobolka Bansware iyo Sirohi sanadkii 2015-kii ayaa muujinaya cunno la’aan iyo yariba inay isugu darsameen dadka.

‘Raggu had iyo jeer waxa ay yiraahdaan ‘waxaan aadayaa shaqo, carruurtuna iskuulka, sidaa darteed, waxa aan u baahannahay ugu horrayn inaan raashiinka cunno,” Rohit Samariya ayaa sidaasi u sheegtay BBC-da

Hadda dhaqankaasi waa uu kasii guurayaa waddanka Hindiya dadkuna dhanka wanaagsan ayay u sii socdaan, ayay sii raacisay Samariya.

Waddanka Hindiya waxa uu, dhaqan ahaan, ka ag dhaw yahay midka ka jiri jiray Soomaaliya xilliyo hore in kastoo ay ku kala duwan yihiin in cunidda raashiinka ay dumarka kaga horreeyaan xoolaha.

Maanta dumar badan ayaa qoysaskooda la cuna raashiinka iyada oo dhaqankaasi kasii guurayo waddanka Hindiya gebi ahaan.

Qore: Ali Abdulle Hilowle.

Kala xiriir: calikaafi9@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan