Ryan Giggs ayaa u muuqda mid soo gebagabeynaya 29 sanadood oo uu la qaatay kooxda kubadda cagta Manchester United kaddib markii uu gaashaanka u daruuray qorshihii ay kooxda United u soo bandhigtay.
Giggs ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay ahaa tababare ku xigeenka kooxda Red Devils, wuxuuna ka hoos shaqeynayay David Moyes iyo Van Gaal.
Halyeygaan ayuuse mugdi soo galay markii dhowaan kooxda xilka tababarenimo ay u dhiibtay Mourinho, sababtoo ah Jose waxaa garabkiisa midig ah Rui Faria oo noqonaya tababare ku xigeenka Special One, waana sababta aan booskaa loogu heyn Giggs.
Ryan ayaana iska diiday boos kaa ka hooseeya oo kooxdu ay u soo bandhigtay, wuxuuna doorbidayaa in albaabka la tuso, isagoo waayihiisii cayaareed kooxda la hantay 35 koob kaddib 24 sano oo qadka dhexe uu uga soo cayaaray.