Home / Habka-Nolosha / Gimenez oo shaki lagelinayo safashada kulanka UCL ee Real iyo Atletico

Gimenez oo shaki lagelinayo safashada kulanka UCL ee Real iyo Atletico

Muqdisho – Daafaca Atletico Madrid, Jose Gimenez ayaa hardan ugu jiro kamid noqoshada ciyaartoyda kulan Talaadada ay kooxdu kula balansan tahay dhiggeeda Real Madrid ciyaar katirsan Champion League.

Gimenez waxaa laga saaray qeybtii hore ee ciyaartii ay kooxdu 5-0 ku xaaqday  Las Palmas. Laacibka qaranka Uruguay wuxuu ku dhaawacmay is-jiid dhex maray isaga iyo Kevin-Prince Boateng daqiiqaddii 25aad. Waxaana lagu badalay Thomas Partey.

Wiilasha Diego Simeone ayaa u safri doona Santiago Bernabeu. Waxaana Atletico wali ku daaban mahadhada ay kala kulantay fnalka xagaagii hore – markaas oo Real Madrid ay gool ku-laad kaga badisay.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan