Home / Cayaaro / Gonzalo Higuain oo xaqiijiyay in Inter Miami ay dooneyso saxiixa Lionel Messi

Gonzalo Higuain oo xaqiijiyay in Inter Miami ay dooneyso saxiixa Lionel Messi

Himilo – Gonzalo Higuain ayaa qiray in Inter Miami ay mustaqbalka dhow raadin doonto saxiixa Lionel Messi.

Inkastoo uu muddo dheer xiiseynayay horyaalka MLS, Messi ayaa doortay inuu heshiis qaali ah u saxiixo Paris Saint-Germain marka uu ka tagayay Barcelona horaantii xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo xiddiga reer Argentina uu haysto ikhtiyaar ah inuu heshiiska u kordhiyo Parc des Princes ilaa 2024, Higuain wuxuu rajaynayaa in Inter Miami ay la xiriirto kooxda reer France.

Isagoo la hadlaya ESPN, Higuain ayaa yiri: “Ma doonayo inaan dhibaato galo, ma aqaano wax ku saabsan  Leo ee Miami.

“Wuxuu u saxiixay labo sano PSG, kooxda ayaa dooneysa, waan arki doonaa”.

Messi weli ma uusan dhalin ama caawin kooxda PSG maadaama lagu soo koobay kaliya 114 daqiiqo oo kubadda cagta ah.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan