Home / Arrimaha Bulshada / Goobaha dal-xiiska iyo maalinta labaad ee Ciidda

Goobaha dal-xiiska iyo maalinta labaad ee Ciidda

Himilo – Xarumaha dal-xiiska ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad soo dhaweynaya dad degmooyin kala duwan uga imaanaya oo raba inay sawirro ku galaan ama ku nastaan.

Dadka tagaya goobaha nasiinada waxaa ugu badan qoysas carruurtooda wata iyo dhallinyaro doonaya inay muuqaalo u duubtaan akoonada ay ku leeyihiin baraha bulshada sida Facebook iyo Tiktok.

Mashquul badan ayaa ka jira xeebaha magaalada sida Jaziira iyo Liido. Si la mid ah Beerta Daaru-salaam, Beerta Nabadda, Beerta Banaadir iyo goobaha la mid ah way la qabaan saxmadda ciidda.

Marka laga tago meelaha ku yaalla Muqdisho waxaa jira degaanno ka baxsan magaalada oo loo dal-xiis tago. Waxaa ka mid ah degmada Afgooye iyo magaalada Balcad iyo Warsheekh.

Shaqada adag ee ka jir dal-xiiska marka laga tago dadka leh maalmaha ciidda waxay u tahay fursad dhaqaale abuur madaama dadka lagu galo lacag heshiis ah.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan